Jarmalka: Muhaajiriinta oo 10 Jeer la Weerarayay Maalintiiba Sannadkii 2016

0
274

Wasaarada Daakhiliga Jarmalka ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 weerar maalintiiba lagu qaadayay muhaajiriiinta sannadkii 2016.

Weeraradaas ayaa waxa ku dhaawacmay 560 qof oo ay ku jireen 43  carruur ahi.

Waxa lagu bartilmaameedsadey afar meelood saddex muhaajiriinta oo  ku sugnaa meelo ka  baxsan guryaha ay u hoydaan, halka ugu dhawaan kin weerar oo kale lagu beegsaday guryaha,

Jarmalka  ayaa la halgamaya arajida maganyo doonka oo xad dhaafay, waxaana jirta cabsi xagga ammaanka ah iyada oo weerararo argagixiso oo xidhiidh ahi ka dhacayeen daafaha Yurub.

Haseyeeshee tirade  magangelyo doon ee soo gaadhaya Jarmalka ayaa hoos ugu  dhacday sannadkii 2016  280,000, halkii ay ka hayed sannadkii ka horeeyay in ka badan 600,000, waxaana arrintaas loo aaneynayaa dalalka Balkaniska oo xidhay xuduudahoodii iyo heshiiska midowga yurub  iyo Turkiga.

Arrintan ayaa la filayaa in ay nooqoto mid shidaalka looga qaato doorashooyinka  baarlamaanka Jarmalka ee sebtenbar.

 

Leave a Reply