Maanta Gacantaada Ayay Ku Jirtaa!

0
8

Filasho Ka Baxsan Hadalkiisa

Ninkii lagu magacaabi jiray J. I. Rodale jilaa oo ahaa qoraa iyo ganacsade Maraykan ah oo caan ah, ayaa ku dhintay goob ay dadku u haysteen inay tahay meel madadaalo ama hadal caadi ah. Mr. J. I. Rodale ayuu geeriyooday isagoo marti ku ah barnaamijka madadaalada ah ee bandhiga “ The Dick Cavett Show”.

Dhacdadu waxay dhacday 8 Juun 1971 sida ilo dhowr ahi sheegayaan, qaar ka mid ah diiwaannada waxay taariikhda ku qoraan 7 Juun.

Wuxuu marka hore ahaa wareysi la yeeshay Dick Cavett, kadibna wuxuu fadhiyey masraxa isagoo daawanaya wareysiga martidii xigtay, Pete Hamill.

Wakhtigaasi ayuu si lama filaan ah u suuxay oo wadne-xanuun ugu geeriyooday halkaas. Dhakhaatiir ka mid ahaa dadkii goobta joogay ayaa isku dayay inay caawiyaan laakiin ugu danbayn waa geeriyooday.Dhacdadani waxa ahayd mid aan la filayn, waxaana ay noqotay mid ka mid ah dhacdooyinka laga qoray dad ku geeriyooday goob aanay filayn.

Ha odhan “berri ayaan samayn doonaa arintaasi” wanaagga aad maanta samayn karto. Berridu waa rajo, laakiin maanta waa waxa gacantaada ku jira.