Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Lug ku Maray Suuqyada iyo Meheradaha Qurbajooga Somaliland ka Dukaamaystaan ee Ku Yaalla London

0
371

London(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),   oo  booqasho gaar ah ku jooga Ingiriiska, ayaa xalay  booqday suuqa weyn ee laga dukaamaysto ee   ee Westfield Shopping Centre ee galbeedka London, waxaanu fadhiistey kana qax-weeyey  Muqaaxi  bunka laga cabo oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland oo uu si kadiso ah ugu galay meheradaas.

16998032_10154050667771377_6413242067547035331_n

Madaxweyne Axmed Siilaanyo  oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Xoghayaha gaarka ha ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada Mudane Khadar Cali Gaas.

16998032_10154050667771377_6413242067547035331_n 16998739_10154050667766377_4736884358592568432_n

 

Madaxweynaha oo ku guda jira fasixiisi sannadlaha ahaa ee uu  ku tegay dalka UK oo inta badan uu fasaxyadiisa ku qaato, waxaanay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu sida uu mar walba gudo iyo dibadba loogu arko goobaha barkulanka bulshadu iskugu timaado. Waxa kamaradaha ka soo baxay madaxweynaha oo ay gacan qaadayaan qurbo-jooga Somaliland.

16999209_1374667735928064_8419082745371846479_n

Madaxweynuhu waxa uu lug ku tagay masaafo fog, iyadoo bulshada Somaliland soo dhaweeyeen booqashadiisa suuqyada magaalada London ee dalka Ingiriiska.  Arrintani waxay weji gabax ku tahay xubno ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo maalmihii la soo dhaafay faafinayay warar been abuur ah oo ay kaga deyrinayeen xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply