Sinjibiishu Waxay Dawo Ka Tahay Xanuuno Badan

0
1389

Sinijibisha ayaa la caddeeyay inay dawo aad u wanaagsan tahay, waxaana la sheegay inay ku badan tahay maadada Gengirol oo ah tan ka qayb qaadata habsami u socodka dhiiga iyo inuu noqdo mid si fiican u dhex mara xidida. Waxaana ay warbixntu intaasi ku dartay inay Sinjibiishu kor u qaado saafinimada dhiiga iyo marinada dhiigu  maro oo ay ka ilaaliso inay awdmaan.

Walaxda Gengirol waxa kale oo ay caawisaa in Dhiigu si aan xayiraad lahayn u socdo isaga oo xambaarsan Ogsajiin ku filan, Nafaqooyin iyo waxyaalaha kale ee daruuriga u ah Jidhkeena, isagoo gaadhsiinaya unugyadu Jidhkeenu ka kooban yahay.

Sinjibiishu waxay kale oo ay dawo u tahay Dadka ku dawakha Safarada, Xanuunka ku dhaca Ciridka, Nabarada, kabuubyada Xubnaha jidhka laga dareemo. Noocyo tiro bdan oo Bakteria ah waa dawada ugu wanaagsan.

Sinjibiishu waxay dejisaa Maskaxda, cadaadiska Dhiiga oo ay hoos u dhigto, Apiete-ka oo ay Qofka u furto, fududaynta Dheefshiidka, ka hortaga Mataga iyo xanuunada yalaalugada, Xabka oo ay ka soo goyso dadka qufacaya iyo weliba iyadoo wax weyn u tarta Dadka aan ceshan Karin kaadida. ( British Medical Journal).

 

Leave a Reply