Tuulo yar oo ay Halmar ka Dhaceen 160 Furriin

0
396

In ka badan 160 lammaane oo ku nool tuulo ku taalla bariga Shiinaha ayaa go’aansaday inay kala tagaan si ay magdhow badan u helaan.

Qoysaskaas ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka guuraan.

Tuulada Jiangbei, waxaa loo gartay inay tahay meel ku wanaagsan farsamada hormarinta casriga ah.

Sababta furriinka ayaa ah in marka ay shaqsi ahaan u dalbadaan magdhow inay helayaan laba guri iyo $19,000 oo dollar.

Qaar ka mid ah kuwa isfuray waxay da’dooda ka weyn tahay 80 sano, qaar kalena waxay doonayeen inay dib isugu noqdaan marka magdhowga la siiyo.

Qoysaska oo boqollaalka sano halkaasi ku noollaa waxay ku qasban yihiin inay tuullada ka guuraan una wareegaan guryo ay dowladda u diyaarisay.

Haddii iyagoo isqaba ay doontaan magdhowga waxay helayaan hal guri oo keli ah.

Balse, qoysaska markii ay akhriyeen qaabka lacagta iyo guryaha loo helayo waxay moodeen in haddii ay isku furaan maxkamadda horteeda ay sidoo kale helidoonaan guri labaad iyo lacag.

Shirkad arrimaha sharciga ka shaqeyso ayaa qoysaska ka caawineyso inay kala tagaan waxayna ka qaadeysaa $2,000 oo dollar qoyskastaa, sida uu qoray wargeyska China Daily.

Lammaanayaasha qaar waxaa la filayaa inay muddo ka dib isku noqdaan.

“Qof kaste ayaa sidan sameynayo, waxaan doonaynaa inaan arrinta kale ka faa’idno”, ayuu yidhi mid ka mid ah dadka Tuulada ku nool oo la hadlay wargeyska Nanjing Morning Post.

Weli ma cadda in qaar ka mid ah qoysaska kala  tagay ay heleen magdhowga dheeraadka ah ee ay raadinayaan.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay inay ka warhayaan xaaladda, aysanna weli ka warhayn in ay wax ka badali doonaan hanaanka magdhowga loo bixiyo.

Arrintan oo kale ayaa horey uga dhacday gobolka Nanjing ee Shiinaha.

 

Leave a Reply