Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu sare u qaadi doono 7% kharashka ku baxa milatarigiisa sannadkan.
Caddadka rasmiga ah ayaa shaaca laga qaadi doonaa, marka baarlamaanka Shiinaha, golaha qaranka ee shacabka, uu billaabo kal-fadhigiisa sannadlaha ah.
Arrintan ayaa timid maalmo uun ka dib markii madaxweyne Trump uu hoosta ka xarriiqay qorshayaal lagu kordhinayo kharashka ku baxa milateriga, ku dhawaad 10%.
Sarkaal sare oo Shiine ah ayaa sheegay in Beijing ay u baahan tahay inay awood u yeelato ilaalinta madax-bannaanideeda iyo danaheeda.
Sannadihii u dambeeyey Shiinuhu wuxuu casriyeynayey ciidankiisa qalabka sida.
Dad badan oo wax indha-indheeya ayaa su’aal galinaya sida ay sax u tahay caddadka miisaaniyadda xagga difaaca, iyagoo sheegay in ay tahay mid aad uga badan inta la sheegay.