Maskaxaha Dadku Way Xidhiidhan, Oo Iska War Haya!

0
317

Cilmiga ayaa sugay sandihii tegay in qofka aadamiga ahi uu kula xidhiidhi karo qof kale maskaxdiisa oo keliya !

Qaar ka mid ah xidhiidhadaasi ayaa la arkay laakiin ilaa hadda looma hayo sabab cilmiya oo lagu sharxo arrimahan mucjisada ah.

Gabadh yar oo 9 sano jirtay ayay saaxiib ahaayeen gabadh yar oo kale oo ay jaar ahaayeen, waxaana ay ahaayeen kuwo wax kasta wadaaga.

Labadooda midkood ayaa safarkii fasaxa dugsiga  gashay, gabadhii yarayd ee aan safarka gelin ayaa maalin aad u xanuunsatay waxaana la geeyay dhakhtarka ka dib markii  xanuun aad u xoog badani ay ka dareemaysay lugta midig iyadoo haddana aanay ka muuqan wax dhaawac ahi.

Waxaana Dawooyin siiyay dhakhatarka. Laakiin markii danbe waxa la ogaaday in maalintii ay xanuunsatay ay ahayd maalin saaxibadeeda yar ee safarka ku maqnayd ay fuushay Faras ka dibna ay ka dhacday oo ay ka jabtay lugta ayna dareentay xanuun aad u daran. Waxa kale oo dhacday in cilmi baadhe daraasad ku samaynayay dhaqanada bulshooyinkii bilowga ahaa, inuu dadka weydiinayay  xidhiidhka ka dhexeeya maskaxaha.

Markii danbe wuxu la kulmay Islaan uu arinkaasi ka waraystay waxayna tidhi “ Xidhiidh maskaxeedku wuxu ahaa mid aan ku tiirsanaa markii uu ninkaygu doonto ugaadhsiga. Waxaana uu weydiiya sababta ay imika u isticmaali weyday waxayn si fudud ugu jawaabatay , wixii hore oo dhan waxa bedelay technoolljiyad cariga. Marar badan ayaad arkaysaa qof aad maskaxda ku qabtay oo haddana markiiba kaa soo hor baxay ama telefoon kuu soo diray. Waana arrin xidhiidhka maskaxa oo aan weli la fahmin waxa sababaya.

 

Leave a Reply