Duuliye lagu xukumay 8 Bilood oo Xadhig ah

0
307

Duuliye sakhraansanaa oo doonayey in uu kaxeeyo diyaarad ayay Kanada ku xukuntay 8 bilood oo xabsi ah. waxaana xukunkaasi laga jaray mudadii uu ku sii jiray xabsiga.

Miroslav Gronych, oo 37 sano jir ah ayaa qirtay dambiga lagu eedeeyey 21-kii bishii March. Waxaa lagu xidhay magaalada New York habeenkii uu bilaabanayey sanadka cusub kadib markii uu ku miyir daboolmay diyaarada oo uu doonayey in uu duuliyo

Jidhkiisa waxa laga helay saddex jibaar qiyaasta khamriga ee qofka loo ogolyahay in uu cabo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay sidoo kale ka mamnuucday in uu kaxeeyo diyaarad mudo sanad ah. Waxa sidoo kale lagu amray in uu bixiyo lacag gaadhaysa 74 doolar.

Maxkamada waxaa loo sheegay in duuliyuhu uu xitaa awoodi waayey in uu xidho jaakaddiisa markii uu gudaha u soo galay diyaaradda, hadalkiisuna waxa uu ahaa baa la yidhi mid la fahmi waayey oo uu isku dardarsamay.

Sida ku xusan warbixintii laga hor akhriyey maxkamada, duuliyihii labaad ayaa waxa uu ku taliyey in Gronych uu isaga baxo diyaarada, balse waxa uu ku fadhiistay kursigii duuliyaha.

Diyaaradaasi waxa saarnaa in ka badan 100 qof, waxayna hoos tagtay shirkadda Sunwing Airlines.

Sunwing kama aysan soo jawaabin markii laga dalbaday in ay arrintan ka hadasho.

 

Leave a Reply