Kuuriyada Waqooyi oo ku Hanjabtay inay sii Wadeyso Tijaabada Gantaalada

0
447

Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumada Kuuriyada waqooyi oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay marwalba sii wadayaan tijaabada gantaalada.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee xukuumada Pyongyang Han Song-ryol ayaa intaa ku daray in ay tijaabin doonaan gantaaladooda toddobaad, bil iyo sannad walba.

Mr Han Song-ryol ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in hadii Mareykanka uu isku dayo tallaabo milateri ay ka jawaabi doonaan.

Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Kuuriyada waqooyi, Waxaana madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Mike Pence uga digay Kuuriyada waqooyi in ay sii wado tijaabada hubka Nukleyrka.

Mr Mike Pence ayaa intaa ku daray in miiska ay saaran yihiin dhamaan talaabooyiinka lagula tacaalayo Kuuriyada waqooyi, Wuxuuna hadalkan jeediyay mar uu booqasho ku tegay xuduuda labada kuuriya.

Kuuriyada waqooyi ayaa toddobaadkan soo bandhigtay awooddeeda military oo ay ka mid tahay wax u muuqday gujis cusub oo xambaara gantaalada balastigada.

Waxaana uu bandhigan ku soo aaday iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka aloosan gacanka Kuuriya.

 

Leave a Reply