Qof looga Shakisnaa Qarixii Ruushka oo la Sheegay inuu Qirtay

0
387

Maxbuuskii looga shakisnaa qaraxii Ruushka ka dhacay Axaddii ayaa qirtay in uu ka dambeeyay weerarkii bamka loo adeegsaday ee ka dhacay boosteejada tareenada ee St Petersburg kaas oo ay ku nafwaayeen 14 ruux, sida ay ku warantay warbaahinta Ruushku.

Abror Azimov oo dhashay sanadkii 1990kii oo la sheegay in uu ka soo jeedo Kyrgyzstan ayaa “si dhamaystiran u qirtay” in uu soo abaabulay qaraxyada, sida uu qareenkiisu u sheegay warbaahinta Ruushka.

Wuxuu ka mid ahaa sagaal qof oo loo xidhay weerarkii saddexdii Abriil dhacay, kaas oo uu gaystay Akbarzhon Jalilov oo 22 jir ah haysta dhalashada Ruushka balse ka soo jeeda Kyrgyzstan.

Qaraxaas waxaa ku dhaawacmay 50 ruux.

 

Leave a Reply