Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska oo ku Dhawaaqday Doorasho Wakhtigeedii laga soo Hormariyay

0
345

Ra’iisalwasaaraha Ingiriiska  Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal lagu hirgalinayo doorasho wakhtigeedi laga soo hormariyay oo dhacda 8 Juun.

May waxay sheegtay in Britain ay u baahantahay hubanti, degenaansho iyo hogaan awood leh, arrintaas oo dabo socota aftidii ay  ku go’aansatay in ay kaga baxdo Midawga Yurub.

Hogaamiyaha mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa sheegay in xisbiga Shaqaaluhu uu rabay doorasho, isaga oo ku tilmaamay fursad lagu helikaro dawlad “ahmiyad siisa aqlabiyadda”.

Baarlamaanka ayaa Arbacada cod u qaadi doona qorshaha doorashada si uu u ansixiyo, ra’iisalwasaaruhuna waxay u baahan tahay saddex meeloodoow labo ka mid ah xildhibaanada si loo qabto doorasho laga soo hormariyay wakhtigii la qorsheeyay ee ahayd 2020ka.

May oo sharaxaad ka bixinaysa isbadalkan ka yimid maskaxdeeda ayaa sheegtay in “ay fikirkeedii ku soo gunaanaday in qabashada doorashadan ay tahay habka kali ah ee lagu hanan karo hubanti iyo degenaansho”.

 

 

Leave a Reply