Guddoomiyaha Salel oo Daadifeeyay Xil ka Qaadistii Maayarka Saylac

0
351

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha gobalka Salel Axmed Maxamed Xaashi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay fadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Deegaanka degmada Saylac ay xilka kaga qaadeen Maayarka iyo Maayar ku xigeenka degmada Saylac.

Axmed Maxamed Xaashi oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa  sheegay in shuruucda dalka u yaalla aanay waafaqsanayn xilka qaadista lagu sameeyay Maayarka iyo Maayar kuxigeenka degmada Saylac, maadaama oo aanay ogolaanin wasaarada arrimaha guduhu in fadhi aan caadi ahayn ay yeeshaan golaha deegaanka ee degmada Saylac.

 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in ay sharci yihiin Maayarka iyo Maayar ku xigeenka degmada Saylac, ay xilka sii hayn doonaan ilaa sifo sharciya xilka looga qaadayo, waxaanu yidhi, “Waxa aan doonayaa golaha deegaanka ee degmada Saylac oo shirjaraa’id ku qabtay meel ka mida magaalada Saylac oo ay ku sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Maayarkii iyo Maayar ku xigeenkii degmada Saylac, isla markaana ay doorteena Maayar iyo Maayar ku xigeen cusub, waxaan  leeyahay golaha deegaanka niman odayaala ayaad ahaydeen oo si fiican gobolka uga shaqayn jiray, iskumaynu ogayn arrintaas xukuumad ahaana waxa innoo qorshaysnaa marka kaadh bixintu bilaamato wixii tabasho ah ee shaqada dhexdeeda ah in la eego, waxaan idiin sheegayaa  shirka aanu guddoominayn guddoomiyihii gobolku ama maayarkii ee ah shir aan caadi ahayn ee halkaa aad ku qabateen  sharciyadda  wuu ka baxsan yahay.”

Guddoomiyuhu  waxa kaloo uu intaasi ku daray;  “Wixii sifaha sharci ka baxsanina inooma shaqaynayso xildhibaanNo kooramku idiimuu buuxin, 11 qof ayaad ahaydeen, ciddii shirka hoggaamin lahaydna may qaban, sidaa daraadeed shaqadii golaha deegaanku sideedii ayay ahaanaysaa, waxaynu   haynaa digreetadii wasiirka arrimaha guduhu soo saaray ee ku sheegay in aan wakhtigan la qaban karin shir aan caadi ahayn,,shirkaa aad qabateenna idiinma shaqaynayo, waxaynu  raacaynaa xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply