Guddoomiye Ramaax oo Beeniyay in Dilal ka Dhacay Togdheer ay Keeneen Isku Dhacyo Beeleed

0
366

Burco(Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax),ayaa been abuur iyo warar aan  jirn ku sheegay warar  sheegayay in dilal maalmihii u dambeeyay ka dhacay gobolka Togdheer oo siyaabo kala duwan uga dhacay in ay sababeen isku dhac beeleed oo beelihii dilalku   ka dhex dheceen isu hub gurteen.

Waxaanu intaa ku daray in dhammaan dilalka gobolka ka dhacay bishan oo tiradoodu ay gaadhayso 5 dil in ay ay gacanta ku soo wada dhigeen dadkii  falalkaa dilalka ah ku eedaysnaa isla markaana aanay marka horeba qaabka ay u dhaceen aanay ahayn dilal hab beeleed ku yimi laahiin ay ahaayeen oo kaliya wax uu ku sheegay camal shaydaan shaqsiyaad dhex maray iyo dil laba kooxood oo markii hore kubbada wada ciyaaray ka dhex dhacay.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dilalka dhacay  beelihii ay kala gaadheen oo ah dad walaalo ah oo isku deegaan iyo isku dad ah in aanay wax  dhibaato ah ka dhex kicin mushkiladda iyo dilka kala gaadhay oo ay si wanaagsan uga wada hawl galeen in aanay nabad gelyada arrintaasi aanay waxba yeelin oo ay dawladda kala shaqeeyeen ammaanka iyo ilaalinta  nabad gelyada.

Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan oo xalay  khadka Taleefanka ugu u warramay wargeyska Dawan,ayaa issagoo ka jawaabayay su,aal laga waydiiyay siday wax uga jiraan in dilalkii gobolka ka dhacay ay keeneen isku dhac beelihii ay wax kala gaadheen,ayaa yidhi.  “Dilalka dhacay dhammaantoon waxay ahaayeen kuwo aan iskudhacyo reereed u abaabullayn  wax dhibaato ah ee beelaha dhexyaallana ma jiraan waana laga wada hadlay, beelo isu soo hub gurtay iyo dhibaato reeraha dhex taallaana ma jirto beeluhu waa dad walaalo ah oo wada dega gobolka oo wada dhashay oo aan cidi kala kaxayn karayn,dhibaatada dhacdayna waa laga wada xun yahay  beelaha laga dhintay iyo beelaha dadka dilka geystay ay ka soo jeedaanba isku si ayay uga xunyihiin o ay uga wada damqadeen waxaa kale oo ay dawladdu ku guulaysatay in ay soo qabatio dhammaan dadkii dhinta geystay oo ay wada xidhan yihiin.Xukuumadda iyo dadweynuhuba nabad gelyda way ka wada shaqaynayaan magaalada Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheerna wax nabad gelyo darro ah oo ka jiraa ma jirto laakiin waxaa nagu batay dilalka oo bishan dhawr iyo labaatanka ah ayay 5 dil guud ahaan gobolka ka dheceen waanan ka damqanaynaa iyadoo xaalad abaareed oo halis ah aanu ku jirno in dhiig daato oo dad is dilaan waxaanan u sheegayaa dadka gobolka Togdheer in ay ALLE u noqdaan oo ay isa saamaxaan oo RABBI ay baryaan in uu abaarta innaga soo jabiyo.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay in dhammaan shanta dilba beelihii ay kala gaadheen in ay isu keeneen iyo in ay jiraan kuwo aan laga wada hadal,ayaa ku jawaabay. “Waxaa jira hal dil oo cid lagala xaalo la waayay oo ay xidhan yihiin ninkii geystay iyo hooyadii dilkaana waxaa la waayay cid lagaga hadlo oo ninka dilka geystay ayaa u dhashay koonfurta Soomaaliya markaa kiiskaasna waxaa u xidhan qofkii ku eedaysnaa iyo Hooyadii.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply