Markab Mucaawinno ah oo Imaaraadka Carabtu u soo Diray Somaliland

0
436

Abu-dhabi(Dawan)- Wadanka Isu-taga Imaaraadka Carabta ayaa markab sida deeq mucaawo loogu tallogalay gargaarka dadka  abaarahu saameeyeen ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo dirtay shalay.

Warkan oo shalay lagu baahiyey wargeyska The National ayaa lagu sheegay in gargaarkan Hay’adda Laan-qeyrta Case e Imaaraadka qeybinayso oo qiimahiisu yahay  10.3 Milyan Dirmah,  ka kooban yahay 3,819 TON oo cunto ah, 356 TON oo biyo ah, 23 TON oo teendhooyin iyo furshaan ah iyo qalab caafimaad caruurta, soo gaadhi doono magaalada Berbera horaanta bisha dambe ee May.

Deeqda gargaarkan ayaa lagu sheegay warka inay ka dambaysay amarkii amiirka Imaaraadka carabta iyo sii dabagalka gudoomiyaha Laanqeyrta Case e Imaaraadka, sida lagu baahiyey wakaalada wararka ee Imaaraadka carabta.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Imaaraadka oo ku dhawaaqday Baaq loogu magacdaray qaadhaanka gargaarka Soomaalida horaantii bishan, isla markaana maalmahii la soo dhaafay la soo gaadhsiiyey deegaamo ka tirsan Soomaaliya, ayaa deeqdan Imaaraadku u soo diray Somaliland iyo kooxo dhakhaatiir gaadhaya 18 oo imanaya dalku ku soo beegmaysaa xilli xukuumada JSL qoraal mahadcelin ah oo Safiirka u fadhiya Amb Baashe Cawil Cumar, u gudbiyey dawladda Isu-Taga Imaaraadka Carabta, kaga mahadceliyey gargaarada kala duwan iyo ka jawaabida baaqyada xukuumada JSL u dirsadaan wadankaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply