Xikmadaha Maanta

0
751

Dadku waxay inta badan iloobaan inay kuu mahadnaqaan markaad wanaag u samayso, laakiin marnaba ma iloobaan inay ku eedeeyaan haddii aad hal qalad ku samayso

Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafido, ilowdo, kuna dadaasho inaad guulaysato.

Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo

Wanaagu waxba ma aha hadaan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma ah hadaanay caddayni  la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan isbedel jirin.

Qofka u dambeeya ee maskaxdaada ku jira markaad seexanayso habeenki waa sababta farxadaada ama xanuunkaaga.

Leave a Reply