Qisada Shimbirka Quruxda Badan!

0
677

Shimbirka lagu magacaabo Kuwitsal oo ku nool  Buuraha iyo kaymaha America ayaa ah mid qurux badan.  Waxa uu caan ku yahay midabka quruxda badan, kaasi oo u eeg calanka Falastiin. Shimbirka ayaa inta badan bulshada ku nool badhtamaha America ay u yaqaanaan magaca Shimbirka Xorriya.

Magacan ayaa loogu bixiyay markii la ogaaday inuu is dilo marka ay dadku qabsadaan ama xidhaan, isagoo diidan xorriyada laga qaaday, waxaana uu ka doorbidaa inuu dhinto. Kiniisidda iyo boqoradii hore ayaa u yaqaanay inuu yahay shimbira Muqadas ah waxayna huwan jireen dhogortiisa.

Waxa kale oo yaab ku noqotay dadka sida uu isu dilo markii uu dareemo xoriyad la’aan, taasi oo ah inuu si dhib yar neefta iska xidho oo isla markiiba naftu ka baxdo. Inkasta oo aan weli la cadayn habkan u fudadinaya is dilka.

 

Leave a Reply