Burji Khaliifa: Dhismaha Ugu Dheer Dunida

0
648

Quruxda iyo dhererka dhismaayaasha dunida laga sameeyo ayaa ah tartan ka dhexeeya Injineerada iyo weliba dadka hantida leh. Waxaana dunida laga sameeyay boqolaal dhisme oo kala duwan oo dhererkoodu xad dhaaf noqday.

Haddaba dhismaha lagu magacaabo Burji Khaliifa ama Burj Dubai oo ku yaalla magaalda Dubia ee dalka UAE (Imaaraadka Carabta) aya dherekiisu gaadhayaa 828 Meter , waxaana uu ka kooban 163 dabaq, waxaana lagu dhameeya muddo lix sano ah. 

Dhismaha dheer ee Khalifa waxa si rasmi ah u dhamaystirmay sanadkii 2010, iyadoo kharashka ku baxayna uu ahaa lacag dhan 1.5 bilyan doller. 

Waxaana uu noqday dhismaha ama shayga kale ee ugu dheer ee ay sameeyeen Aadmigu dunida. Dhismahan waxaa maamusha hay’ada dawladdu u xilsaartay taasi oo iibisay 40% qaybaha dhismahani ka kooban yahay, iyadoo 60% kale ee hadhayna si caalami iyo maxaliba ah looga kiraystay. Sheikh Mohamed Bin Rashid oo ah maamulaha dhismahan ayaa sheegay in xaruntani tahay hanta ay leeyihiin dadka Imaaraadku.

 

Leave a Reply