Shil Baabuur oo Kenya ku Dilay 24 Ruux

0
392

Afar iyo labaatan ruux ayaa dhimatay,  tiro kale ayaana ku dhaawacantay shil baabuur oo ka dhacay wadada wayn ee isku xidha Nayrobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa.

Shilkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen bas iyo gaadhi waday gaaska cuntada lagu karsado.

Taliyaha booliiska aagaas Leornard Kimaiyo ayaa BBC-da u sheegay in 23 ruux ay ku dhinteen isla goobtii uu shilku ka dhacay mid kalana uu isbitaalka ku nafwaayay.

Dadka dhintay waxay kala yihiin labaatan ruux oo qaan gaadh ah iyo saddex carruur ah.

Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa loola cararay isbitaalada ka agdhaw goobtaas.

Sanad kasta 3,000 oo ruux ayaa Kenya ugu dhimata shilalka wadooyinka ka dhaca sida ay sheegtay waaxda qaran ee gaadiidka iyo badqabka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo NTSA.

Leave a Reply