Musharax Madxweyne oo Banaysay Hogaanka Xisbigeeda

0
407

Musharaxa midig fog ee doorashada madaxweynanimada Faransiiska, Marine Le Pen,in ayaa ka dagaysa xilka hogaamiyaha xisbiga National Front si ay diiradda u saarto ololaheeda.

Waraysi ay siisay Telefishin ayay ku sheegtay in aysan ahaan doonin mid dhinac u janjeedha”.

Le Pen ayaa waxa ay tartan adag la gali doontaa Emmanuel Macron iyaga oo isku wajihi doona wareegga labaad ee doorashada faransiiska oo la qaban doono laba todabaad ka dib.

Ra’yi uruurinada ayaa muujinaya in Macron uu yahay mid ku guulaysan kara wareegga labaad ee doorashada balse Le Pen ayaa tidhi “waan guulaysan karnaa,waana guulaysanaynaa.”

Tallaabada ay Le Pen xilka uga dagtay ayay dadka qaar ku tilmaameen mid kumeel gaadh ah.

Waxay u sheegtay telefishinka Faraas 2 in faransiiska ay soo wajahday wakhti adag.

Le Pen ayaa sheegtay in go’aankeeda uu ku qotomo fikirka ah in madaxweynahu uu isu keeno dhammaan dadka Faransiiska ah.

“Sidaasi daraadeed, caawa laga bilaabo ma ahi madaxwaynaha xisbiga National Front, waxaana ahay musharaxa madaxwaynanimada Faransiiska” ayay tidhi Le Pen.

Wariyaha Hugh Schofield ee Baaris ayaa waxa uu sheegay in arrintani ay tahay mid ay uga gol leedahay in ay muujiso in danaha dalka ay ka fikirayso oo aysan ka fikirayn danta xisbigeeda, waxayna fariin u diraysaa cod bixiyayaasha musharaxiintooda lagaga adkaaday wareegii koowaad ee doorashada, gaar ahaan kuwa jamhuuriga ee’ François Fillon.

 

Leave a Reply