Wasiirka Caafimaadka oo ka Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay M/Ku-xigeenka Puntland

0
398

Buuhoodle (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland,  Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye),   ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay maamul goboleedka Puntland, waxaanu sheegey in wixii  diyaarada ah ee  ka soo degeya garoonka Buuhoodle aanay fasax uga baahneyn Garoowe iyo meel kale toona.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu  shalay warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Buuhoodle isaga oo maalmihii u dambeeyay halkaasi u joogey hawlo shaqo, sidoo kalena waxa uu xusay inay soo dhaweynayaan ama diyaarad ha ahaato ama gaadhi ha ahaade cidii ka qayb qaadaneysa gurmadka loogu jiro dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee reer Somaliland.

 

“Buuhoodle diyaarada imaanaysa  iyo gaadhiga imanayaa midna Garoowe fasax ugama baahna,  shaqana iskuma lihin Puntland, reer Buuhoodlena maanta ayay ogaadeen cida ay yihiin iyo cida xigta, wax gurmad ah oo Puntland ka yimidna maba hayno isumana gurmano imika, markaa hana daayaan raalina ha ahaadaan,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku. Waxaanu xusay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qayb qaadaneysa gurmadka iyo samata-bixinta loogu jiro dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee reer Somaliland, waxaanu yidhi; “Cidkasta oo gurmadka nagala qayb qaadaneysa ama gaadhi ha noqdo amase diyaarad ha noqdee waanu soo dhaweyneynaa, fasaxna meel kale ugama baahna, toos baaney u iman karaan anaga ayaana fasaxney, ‘Nina dhuuni buu kuu dhex-jooga nina dhalashu kuugu dhaadhacay’ markaa Somaliland dhalasho ayay Buuhoodle ugu dhaadhacday dhakhaatiirta  aad arkeysaanba waa wiilal reer Hargeysa ah, qaar aan Haleya soo dhaafin ayaa halkan yimid oo jooga.”

Hadalkan wasiir Xaglo-toosiye ayaa yimid ka-dib markii dhawaan madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar (Camay) uu sheegey inaanay diyaarad aan fasax ka heysay Puntland ka soo degi karin garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle, xili ay abaar ba’ani ka jirto deegaanadaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply