Xildhibaan Ducaale oo u Tartamaya Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada

0
445

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyay in uu u tartamayo   kursiga ku xigeenka koowaad ee shirguddoonka golaha wakiilada, marka uu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro xilka ka dego.

Axmed Ducaale oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa waxa uu tilmaamay in uu ka mid yahay xildhibaannada danaynaya inay isku sharaxaan guddoomiye ku xigeenka aqalkaas, waxaanu  xusay in uu muddo dheer ku jiray golaha wakiilada iyo siyaasadda dalka.

“Shirguddoonka golaha wakiillada isbadal ayaa ku iman doona, in kasta oo wali guddoomiyaha golaha wakiiladu aanu ku dhawaaqin inuu iska casilay guddoomiyaha golaha wakiilad, oo sharcigu u fasaxayo in uu iska casilo xilka guddoomiyaha wakiilada, maadaama oo uu murashax madaxweyne u taagan yahay oo doorashada madaxtooyadda wakhtigeedii la cayimay, anigu xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada ayaan ahay, markaa waxa aan u taaganahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada oo aan u tartami doona,”ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaasi raaciyay; “Wakhti fara badan ayaan ku jiray golaha wakiilada  iyo siyaasada Somaliland kana mid baan ahay damaca ay leeyihiin xildhibaanada golaha wakiilada ee danaynaya kuraasida shirguddoonka golaha wakiilada, waana dimuqraadiyad, waana golaha dhexdiisa, inkasta oo  talooyinka iyo duruufaha  siyaasadu ay iska bataan.”

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply