Doorashooyinka Hordhaca ah ee Kenya

0
408

Xisbiyada siyaasadda ee dalka Kenya ayaa qabanaya doorashooyinka hordhaca ah ee lagu soo xulanayo qofka u matali doona doorashada guud ee la qabanayo bisha Agoosto ee sanadkan 2017ka.

Tartankan ayaa ah mid aad loogu loolamay mararka qaarna waxaa dabo socday isku dhacyo dhex maray kooxo siyaasadda isku haya.

Christine Mungai oo ka faaloota siyaasadda Kenya ayaa BBC-da u sheegay in magacaabid ka helidda meelaha xisbiga aad looga taageero ay siyaasiyiinta ugu dhigan tahay in ay helayaan fursad wanaagsan oo ay ku hanan karaan kuraasta ay u loolamayaan ee doorashada guud.

Waxay in intaas ku dartay in qaar badan oo siyaasiyiinta ka mid ah ay faa’iido dheeri ah u arkaan in ay kuraas ku guulaystaan.

Tusaale ahaan waxaa jira 12,700 oo ruux oo u tartamaya 1,450 kursi ee golaha deegaannada dalka Kenya oo dhan ka bannaan.

Xubinta golaha deegaanka wuxuu mushahaar ahaan u qaataa 2,400 oo doolar, iyadoo aysan intaas ku jirin kharashaadka kale ee ka soo gala marka uu kulan yeesho golaha deegaanku iyo marka ay safarro dibadda ah aadaan.

 

 

 

 

Leave a Reply