Wasaaradda Duulista oo Beenisay in Wax Iska Bedeleen Socdaalkii Dadka Reer Somaliland ee Dalka Imanaya

0
423

Hargaysa(Dawan:- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay iyo warar been abuur ah warar warbaahinta qaarkeed ay qoreen oo ay ku sheegeen in lacago lagu kordhiyay dadka reer Somaliland ee ka soo degaya Madaarada dalka ee sita baasaboorada dalalka kale.

Waxaanay Wasaaraddu intaa ku dartay in  wax lagu kordhiyay aanay jirin oo dadka reer Somaliland ee haysta baasaboorada waddamada kale in ay sidoodii hore dalka u imanayaan isla markaana ay madaarada dalka ka heli doonaan dhammaan adeegyada ay u baahan yiihiin ee madaarada caalamiga ahi ay leeyihiin oo dhan.

Waxaana sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed Wasaaraddu soo saartay oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Wasaaradda Duulista Ismaaciil Cali Axmed.

Nuqul ka mid ah war-saxaafadeedka oo soo gaadhay Wargayska Dawan,ayaa u dhignaa sidan

“Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland waxay ku war galinaysaa in aanay jirin wax iska badalay habkii socdaal ee ay muwaadiniinta reer Somaliland dalka ku iman jireen marka ay ku soo noqonayaan , khaasatan dadka sita sharciyada (Baasaboorada)  Wadamada Kale, ma jiraan wax Fiise Dal ku gal ah oo ay soo dalbanayaan, ee sidii horeba ay u iman jireen ayey u imanayaan.

Wasraadu waxay uga digaysaa cid kasta oo siyaasadaynaysa danaha qaranka, ee ummada majaro habaabinaysa in ay ka waantoobaan oo aanay baahin warar shacabka wiiqaya oo aanay hubin.

Sidoo kale  iyada oo gudanaysa xilka ay qaranka u hayso Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku, waxay gacmo furan ku soo dhaweynaysaa Muwaadiniinta Reer Somaliland ee ku kala nool daafaha dunida Sharciga ay doonaan ha sitaane marka ay dalkooda imanayaan, Wasaaraddu waxay ugu diyaarisay Muwaadiniinta adeeg hufan iyo raali galin aad u sarraysa Madaarada Dalka.

Ugu dambayn dadka aan Somaliland u dhalan ee sita Sharciyada (Basaboor) Wadankooda, iyana waa sidii ay hore ugu iman jireen  Wadanka oo Fiise ayey ka soo dalban doonaan Hay’ada Socdaalka Somaliland.”

Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland

Leave a Reply