Xildhibaan Siciid Warsame oo ku Dhawaaqay Inuu u Tartamayo Guddoomiye Xigeenka Wakiillada

0
372

Hargaysa (Dawan)-  Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyay in uu u sharaxan yahay kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee shirguddoonka golaha wakiilada, marka uu guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro  xilka ka dego.

Xildhibaanka oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta   ayaa waxa uu cadeeyay in uu calafkiisa ka qaadi doono, isuna taagi doono jagada ku xigeenka koowaad ee shirguddoonka golaha wakiilada, waxaana uu tilmaamay in aanu kali ku ahayn  xildhibaanada u sharaxan xilka guddoomiye ku xigeenka ee Golaha Wakiillada.

“Haddii ay dhacdo in uu guddoomiye Cirro iska casilo guddoomyaha golaha wakiiladda, waxa aan ahay murashaxa koowaad ee u taagan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada, imika ayaan caddaynayaa,  nasiibkaygana waan ka qaadayaa, kaligayna maaha, raga u sharaxan xilkaas ee fikirkaasu ku jiro aniguna diyaar ayaan u ahay in aan xilkaas u tartamo aniga oo  aaminsan in aan wax badan ku heli doono xilkaas  qodobo badana oo ii sahli karaana way jiraan,”ayuu yidhi Xildhibaanku.

Maaha xildhibaankii ugu horreeyay ee cadeeyay in uu u taagan yahay jagada guddoomiye ku xigeenka ee golaha wakiillada, hase yeeshee xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale ayaa isaguna hore u sheegay in uu sharaxan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada, iyadoo xildhibaano ka tirsan  golaha wakiilada oo ka soo jeeda  beesha  harti qoraal ay soo saareen ku sheegeen in ay isku raaceen in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baashe Maxamed Faarax isu taago jagada guddoomiyaha golaha wakiilada, waxaana maalmahan laga dareemayay magaalada Hargaysa loolanka loogu jiro buuxinta jagada guddoomiyaha golaha wakiilada haddii uu banneeyo toddobaadyada soo socda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply