Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Caddeeyay Inaan Coldoon Loo Xidhin Safarkiisii Muqdisho

0
390

London (Dawan)- Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka hadlay dambiga loo haysta wariye Cabdimaalik Muuse  Coldoon, waxaanu sheegay  inaanu la xidhiidhin safarkii uu ku tagey Xamar  iyo cid buu jeclaaday ee uu yahay dambi qaran  iyo kicin dadweyne.

 

Aadan Xaaji Cali Axmed, waxa uu sheegay in ay maxkamada horteeda kaga caddaatay weriye Coldoon  in uu ku kacay falal ka dhan ah qaranimada Somaliland iyo waddamada la  jaarka ah, taas oo  maxkamada gobalka Hargaysa  ay ku xukundtay xadhig muddo labo sanno ah dhawaan.

 

Aadan  Xaaji Cali oo  safar ku jooga  magaalada London ee dalka UK, ayaa tilmaamay  in Coldoon lagu soo ee deeyay dacwad la xidhiidhi in uu kicinayay dadka oo   uu ku dhiiri galinayay in ay ka horyimaadaan qaranimada Somaliland, waxaana uu xusay in la soo bandhigay cadaymo muujinaya in uu dambigaas ku kacay, isla markaana kiiskiisu aanu la xidhiidhin  arimaha saxaafada  iyo   safarkii uu ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

“Annagu haddaanu nahay garsoorka, dadka dhex ayaanu u nahay, Coldoon booliska ayaa ee deeyay intaan halkan (UK) joogay ayaa la soo ee deeyay, laguma soo eedayn dambi saxaafada la xidhiidha ee waxaa lagu soo ee deeyay in uu qaranimada ka soo hor jeedsaday, maxkamad furan ayaana kiiskiisa dhagaysanayay, wuuna is difaacay, waxaana la soo bandhigay wixii cadaymo ahaa ee loo haystay,  muqaalana waa la soo bandhigay,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaas ku daray;

 

“Lagumana haysto Muqdisho ayuu tagay ee waxa lagu soo ee deeyay in uu waday abaabul oo uu dadka ku dhiiri galinayay in ay qaranimada ka hor yimaadaan  oo uu dadka ku kicinayay wadamada la jaarka ah Somaliland, markaa  kiiskii  maxkamadda la hor keenay may ahayn Muqdisho, maxkamaduna booliska waxa ay ku tidhi caddeeya dambiga loo haysto,  dhawr looyar ayaana difaacayay,” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Xaaji Cali  oo waramayay Telefiishanka HCTV, waxaanu intaa ku daray;  “Waxaa  garsoore ka ahaa dacwadaa guddoomiyaha maxkamada  gobalka  Hargaysa,  ma.daama dacwadu ahayd mid xaasaasiya, dhinac kasta wuu ka eegay, caddaymihii  ayuu dhagaystay, waxaana lagu soo ee deeyay dambi ka dhana  qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waana lagu helay dambigaas, maxkamadiisuna may dhamaan,  haddii aanu ku qanacsanan rafcaan ayaa u furan, maxkamadda heerka labaad ee Hargaysa ayuu rafcaan ka qaadanayaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply