Hub Casri ah oo Ay Ciidammada Ruushku Tijaabo ku Sameeyeen

0
404

Ciidamada wadanka Ruushka ayaa tijaabo ku sameeyey hub cusub oo dhowaan la sameeyey, kaas oo kamid noqonaaya hubka ay isticmaalayaan ciidamada Ruushku, waxaanu hubkani noqonayaa kii ugu dambeeyey ee ay khubarada hubka ee wasaaradda difaaca Ruushku soo saaraan.

Hubkan oo lagu magcaabo Baqan ayaa ah mid si iskii ah ama Automatic ah isu ridaaya, waxaana lagu hagayaa Computer, waxaana si fudud loo dhex geyn karaa ciidamada ay dagaalada kula jiraan, isaga oo layn kara askar badan iyo gawaadhi badan oo uu gubi karo.

Qorigan waxa soo bandhigay ciidamada Ruushka iyo sidoo kalena shirkadda iyadu gacanta ka haysay oo lagu magcaabo Rustich, waxaanu qorigan qaadan karaa  rasaasta yar yar iyo sidoo kalena rasaasta waaweyn labadaba.

Khubaro kamid ah shirkaddaasi oo hubkaasi ka hadashay ayaa sheegtay  in hubkani la tijaabiyey yahay mid faa’iido badan u yeelanaaya ciidamada wadanka Ruushka, waxaanay intaasi ku dareen inay ku darayaan qayb ban baanooyinka ah .

Sida lagu daabacay wargeyska The Russia oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan waxay khubaradani sheegeen in qorigani wax ka dili karo masaafo dhan  ilaa 2500 meter, kaas oo ka tiiro dheer  25% qoriga lagu magcaabo AFC-17 oo hore u ahaa qoriga ugu tiiradda dheer.

Leave a Reply