Baarlamaan la Weeraray

0
476

Baarlamaanka Masedoniya ayaa waxaa weeraray kooxo dibadbaxayaal ah ka dib markii la doortay gudoomiye qowmiyada Albaniya u dhashay.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay 10 qof oo uu ku jirro Zoran Zaev oo wajiga ka dhiigay.

Taageerayaasha ra’iisul wasaarihii hore Nikola Gruevski ayaa dalbanaya in doorasho cusub la qabto.

Siyaasadda dalkaasi ayaa qasnayd intii mudo ah, Zaev ayaa abuuray isbahaysi ay ku jiraan xisbiga Albaaniyiinta, waxaana muddo socday dibadbaxyo laga dhigayay waddooyinka.

Qowmiyada Albaniya ayaa dalkaasi tiro ahaan ka ah afar meelood meel.

Taageerayaasha weeraray aqalka baarlamaanka ayaa ka cadhaysan doorashada la doortay Talat Xhaferi.

Waxayna tillaabadani u arkaan mid xaqiijinaysa qiyamka dadka Albaaniyiinta ah, khatarna ku ah midnimada Masedoniya. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qolyaha wax weeraray ay afka duubteen ayna jabiyeen muraayadihii dhismaha.

Safaarada Maraykanka ayaa cambaaraysay weerarka la gaystay, waxayna sheegtay in xisbiyada ay ixtiramaan dimoqraadiyada.

 

 

Leave a Reply