Madaxweyne Trump oo ka Digay Dagaal weyn oo lala Galo Kuuriyada Waqooyi

0
410

Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ka digay in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriyada Waqooyi kaas oo salka ku haya hubka nukliyeerka ah.

Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu door bidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab dublomaasiyadeed, balse ay adagtahay in laga guul gaadho.

Madaxweyne Trump waxaa kale oo uu bogaadiyay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping oo isku dayay buu yiri inuu cadaadis saaro dalka Kuuriyada Waqooyi.

Horaanna xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo la hadlayay telefishinka Fox news ayaa sheegay in dowlada Shiinaha ay uga digtay xukuumada Pyongyang cunaqabateyn lagu soo rogo haddii ay markale tijaabiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Pyongyang

Dhanka kale dowlada Kuuriyada waqooyi ayaa soo saartay muuqaal borobogaando ah oo muujinaya weerar ka dhan ah Mareykanka.

Arrintani ayaa ku soo beegmeysa maalin uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu warbixin ka siiyay xubnaha aqalka senate-ka ee Maraykanka khatarta Mareykanka kaga imaaneysa dowlada Kuuriyada Waqooyi, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha soo bandhigay qorshe uu doonayo in lagu ballaadhiyo cunaqabatayn la saaro dalkaasi.

Leave a Reply