Baarlamaanka Jarmalka oo Mamnuucay Indho Shareerka

0
537

Xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Jermalka ayaa meelmariyay sharci qayb ahaan mamnuucaya xidhashada indho shareerka Muslimiinta.

Biilkan ayaa hadda la horgayn doonaa aqalka sare ee baarlamaanka si loo meelmariyo.

Shaqaalaha dawladda, garsooreyaasha iyo askarta ayaa laga hor istaagi doonaa in ay shaqada indho sharer ku xidhaan.

Xisbiyada dhanka midig xiga ayaa u ololaynayay in dalka oo dhan laga mamnuuco in indho shareer lagu xidho goobaha ay bulshadu isugu tagto.

In kabadan hal milyan oo soogalooti ah oo badankood ay yihiin Muslimiin bariga dhexe ka tagtay ayaa galay Jermalka 18kii bilood ee la soo dhaafay.

Arrintaas waxaa dabo socday weeraro kala duwan oo ay qaadeen dad jihaad doon ah, waxaana ka mid ahaa midkii Baarliin ka dhacay maalintii iidda masiixiyiinta ee loo adeegsaday gaadhiga, kaas oo ay ku nafwaayeen 12 ruux.

IMAGES

Wasiirka arrimaha gudaha Thomas de Maiziere ayaa sheegay in arrintan lagu mamnuucayo indha shareerku ay muujinayo sida dhaqamada kale looga dulqaadan doono Jermalka.

Xisbiyada garabka midig xiga ee Jermalka ayaa doonaya in lagu daydo Faransiiska oo meelaha bulshadu isugu timaado ka mamnuucday xidhashada indho shareerka tan iyo sanadkii 2011ka.

Bishii Desembar ee sanadkii hore ayay Angela Merkel ku baaqday in indho shareerka laga mamnuuco meel kaste oo sharcigu ogol yahay, iyada oo sheegtay in uusan munaasab ku ahayn dalkeeda.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegeen in mamnuucitaankan uu saamayn yar yeelan doono maadaama ay dalkaas ku nool yihiin Muslimiin yar.

 

Leave a Reply