Bixinta Kaadhka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo Maanta Bilaabantay Saaxil, Awdal iyo Xeebaha Sanaag

0
421

Boorama (Dawan)- Guddida Doorashooyinka Jamhuuriyada Somaliland, tayaa maanta si rasmi ah uga bilaabay gobollada Awdal,Saaxil iyo xeebaha gobolka Sanaag, bixinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka iyadoo ay  kaadhadhka codbixiyaha qaadan doonaan dhammaan dadkii iska diiwaan galiyay labada gobol iyo xeebaha Sanaag ee haystay waraaqdii codbixiyeyaasha.

 

Guddida Doorashooyinka ayaa intaa ku daray in muddada ay labada gobol  ka soconayso oo ah 7 maalmood  in  marka ay soo dhammaato ay ku dari doonaan gobolka kasta 14 cisho oo dheeraad ah oo  degmooyinka qaar  ka sii socon doonta, lagana qaadan doono kaadhadhka codbixiyeyaasha oo ay ka heli doonaan  dadka muddadan  jaanis u waaya  in ay maalmaha hore ka qaataan goobaha ay ka socotay.

 

Komishanka doorashooyinku waxay  u kala direen dhammaan goobaha labada gobol iyo xeebaha gobolka Sanaag hawlwadeennadii ka shaqaynayay bixinka kaadhadhka Codbixiyeyaasha ee gobollada Awdal,Saaxil iyo xeebaha gobolka Sanaag, waxaanay sheegeen inay ka qayb-qaadanayaan ciidammada booliska, millatariga iyo hawlwadeenno ka socda guddida doorashooyinka qaranka guud ahaan gobollada Awdal,Saaxil iyo xeebaha Sanaag oo ay maanta si rasmi ah uga bilaabantay bixinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland.

 

Gobolka Awdal ayay ka bilaabmaysaa  4 dagmo  oo kala ah Baki, Boorama, Saylac iyo Lughaya oo ay ku yaalaan 162 goobood oo  laga qaybin doono kaadhadhka codbxyeyaasha , iyada oo kaadh qaybintu bilaabmi doonta maanta  oo  Sabti ah oo  ay taariikhdu tahay 29 April 2017, socona doonta muddo 5 Maalmood ah oo xidhiidh ah.

 

Guud ahaan gobolka Saaxil,ayay ka  bilaabmi doontaa laba degmo doorasho oo kala ah Berbera iyo Sheekh oo ay  hore iskaga diiwaan galiyeen 78000 kun oo ruux oo ka mid ah codbixiyeyaasha Somaliland guud ahaan deegaanada ka baxsan degmooyinka Berbera iyo Sheekh waxay ka socon doontaa bixinta kaadhka codbixiyeyaashu 5 maalmood oo ka bilaabmaya maanta oo sabti ah halka ay degmooyinka Berbera iyo Sheekhna ay ka socon doonto muddo 7 cisho ah, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland oo ka hadlayay daah furka bixinta kaadhka codbixiyeyaasha gobolka Saaxil.

 

Marka ay muddadaasi dhammaato ayay sheegeen dugsiga doorashooyinka qaranku in magaalooyinka Berbera iyo Sheekh in ay ka furi doonaan goobo dheeraad ah oo ay ka sii socon doonto kaadh bixintu muddo 14 cisho ah oo loogu talo galay in ay kaadhadhka ka qaataan dadka fursad u waayay in ay kaadhadhka codbixiyaha ka qaataan goobihii ay maalmaha hore ka socotay.

 

“Marka ay soo dhammaadaan muddada hore ee aanu ugu talogalnay waxaa   kaadhadhka lagu soo xerayn doonaa labada magaalo ee Berbera iyo Sheekh oo laga furi doono  goobo dheeraad ah oo ay ka sii socon muddo 7 maalmood ah oo ay kaadhadhka u soo doonan doonaan dadkii fursadda u waayay in ay maalmaha hore kaadhadhkooda qaataan,” Ayuu yidhi Sarkaal sare oo u hadlay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply