Montenegro oo ku Biiraysa Isbahaysiga Nato

0
399

Baarlamaanka Montenegro ayaa ansixiyay inuu dalkaasi ku biro isbahayesiga Naato, inkasta  oo mucaaradad xooglihi gudaha kaga timi, islamarkaana ay Raashiya diiday.

Codeynta ayaa u dhacday  46 oggolaaday iyada oo ay tirade baarlamaanku tahay  81 xildhibaan- taasi oo waddada u sii xaadheysa inay  Montenegro ku biirto  Nato  dabayaaqada bisha soo socota.

Waxa aqbalay arrinta ku biirista dhammaan 28 ka xubnood ee Nato, marka laga reebo laba xubnood.

Montenegro, ayaa dadkeedu gaadhayaa ilaa  633,000 oo qof, waxaana qorshaha xubinnimada  Nato la qorsheeyay sannadkii  2009.

Toban sano ka hor ayay aheyd markii  Montenegro iyo  Serbiya  ay duqeeyeen dayaaradaha Nato olole qaatay saddex bilood xilligii dagaalkii Kosofo.

Xubinnimada Nato ayaa ayaa aheyd arrin aad leyskaga soo horjeedo dalka Montenegro, oo ka sii go’ay   Serbiya kadib burburkii   Yugoslafiya, markii ay madaxbannaanaatay sannadkii  2006.

 

Leave a Reply