Daalibaan oo ku Dhawaaqday Howlgal Dagaal

0
406

Kooxda Daalibaan ayaa  shaaca ka qaaday howlgal dagaal oo ka dhici doona dalka Afgaanistan, kaasi oo lagu beegsanayo ciidamada Mareykanka uu hogaamiyo ee “haysta” dalkaas, si waddanka looga saaro.

Warsaxaafadeed ay shalay  u qeybiyeen warbaahinta ayaa waxa ay ku sheegtay in “Howlgalka Mansouri” uu si rasmi ah uga billowday dhammaan 34-ka gobol ee dalka Afganistan.

Daalibaan ayaa sheegtay in howlgalkan loogu magac daray madaxii hore ee kooxdaas Mullah Akhtar Mansour, oo sanadkii tagay lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aanay cidna wadin oo Mareykanka uu leeyahay.

“Howlgalladan waxay ka koobnaan doonaan weeraro caadi ah, kuwo jabhadeyn ah, is-qarxin shahiidnimo ah, miinooyin dhulka lagu aaso iyo weeraro ay fuliyaan dadka noogu jira dowladda” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay golaha loogu magac daray dagaalka ee kooxdaas.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Afganistan Mohammed Radmanesh ayaa ku gacan seedhay hadalka Afganistan, kuna sheegay ujeedo kale oo kooxdan ay dooneyso inay ku disho shacab aan waxba galabsan.

 

Leave a Reply