Tobanaan Kun oo lagu Eryay Shahaadooyin Been Abuur ahaa oo lagu Shaqaalaysiiyay

0
428

Madaxweynaha waddanka Tanzaniya, John Magufuli, ayaa waxa uu shaqada ka eryay ku dhawaad 10,000 oo shaqaale dowladeed ah kuwaasi oo haystay shahaadooyin been abuur ah.

Waxa uu amray inay banneeyaan goobaha ay ka shaqeeyaan wixii loo gaadho 15 bisha May, haddii aanay sidaa sameynna la xidhi doono oo la maxkamadeyn doonaa.

Mr Magufuli ayaa ka jawaabcelinayay warbixin uu saaray guddi arrintan loo saaray oo soo diiwaangeliyay 9,932 shaqaale dowladeed oo haysta shahaadooyin dugsi sare oo been abuur ah.

Tiradan ayaa waxa ay wax yar ka sarreysaa boqolkiiba 2 shaqaalaha dowladda ee waddanka Tanzaniya.

Shaqaalahaasi dowladda ayey sidoo kale suuragal tahay in la maxkamadeeyo oo haddii lagu helo dambi wax is daba marin ah waxa ay wajahayaan ilaa todoba sano oo xadhig ah.

Baadhitaanka waxaa lagu sameeyay shahaadooyinka dugsiga sare oo kaliya ee ay haystaan saraakiisha dowladda hoose, hay’adaha iyo wakaaladaha dowladda, balse lama baadhin shahaadooyinka jaamacadaha.

 

 

Leave a Reply