Dugsiyada Dawladda oo Buriyey Go’aankii Madaxweynuhu Bilaashka Kaga Dhigay Waxbarashada Hoose/Dhexe

0
340

Hargeysa(Dawan)-  Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Dawladda ee yaala caasimada Hargeysa,  ayaa  dib u soo celiyay   lacagtii fiiga ahayd ee laga qaadi jiray ardayda wax ku barata dugsiyadaa. lacagtan oo ahayd mid uu joojiyey xisbiga talada hayaa xiligii uu hoggaanka qabtay, iyadoo madaxweyne Axmed  Siilaanyo Bilaash ka dhigay ka dib markii uu ku guulaystay talada waddanka   sannadkii 2010-kii.

Madaxweynuhu  isaga oo oofinaya qodobbadii uu ku galay ololaha doorashada, ayuu  qodobkaasi noqday  mid ay  mahadiyeen waalidiinta arayda  danyarta ahi ee tahli waayay inay dabaraan lacagtaas, waxaanay  lacagtaasi dawladdu  mamnuucday 2010 kii, ilaa muddadaasna aan si muuqata looga qaadi jirin  ardayda.

 

Dhinaca kale waxa uu ahaa qodobkaasi mid  kor u qaaday tirada ardayda ee dugsiyadaa dawladda wax ku barata, haddaba iyadoo aanay Wasaaradda Waxbarashadu sababaynin asbaabaha keenay in xiligan laga qaado ardayda lacagtan sharci darrada ah oo bilihii u dambeeyay maamuleyaashu gaadhsiiyeen  30.000 SL SH ah, oo la joogteeyay qaadisteeda.  waxaa ay bulshada gaar ahaan ardayda iyo waallidiintu ay naawilayeen talaabada xukuumaddu ka qaadi doonto maamuleyaasha lacagtan sharci darrada ah ku soo rogay ardayda, taasi oo u muuqata  mid lagu tirtirayo sumcadii iyo taageeradii madaxweynuhu kaga kasbaday ummadiisa.

Lacagta ardayda laga qaado ayaa xiliyadii u dambeeyay  ay dugsiyada Hargeysa bilba bisha ka dambaysa sii kordhinayeen, waxaa wasaaradda Waxbarashada looga fadhiyaa inay ummada u fasirto arrintan oo  hadalhaynteedu  hadhaysay fagaareyaasha barkulanka bulshada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply