Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa bulshada gobolka Togdheer ku baraarujiyay in ay kor u qaadaan ilaalinta fayadhawrka iyo badqabka biyaha ay cabbayaan.
Waxa kaloo uu intaa ku daray fariin qaylo dhaan ah oo uu u diray gud ahaan waxgaradka bulshada iyo hay’addaha gobolka ka shaqeeya iyo guud ahaan kuwa ha hawl gala Somaliland,ba oo uu u soo jeediyay in ay si deg deg ah uga qayb qaataan sidii loo badbaadin lahaa looguna gurman lahaa dadka uu soo ritay cudurka Suban biyoodku.
Waxaa kale oo uu ka hadlay tallaabooyinka ay qaadeen illaa imika ka maamul gobol ahaan.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.
“Horta shubanbiyoodku wuu jraa gobolkana dad badan ayuu soo ritay dhimashaduna way badan tahay intaana waty ka sii badanaysaa haddaan gurmadka xukuu addu ku jirto aan la wada galin oo aanay ka wada qayb qaadan qaybaha kala duwan ee bulshadu,waxaana loo baahan yahay in dadku ay iska kar kariyaan biyaha ay cabbayaan iyo in ay kor u qaadaan fayadhawrka guryahay oo qofka xanuunku soo ritay ay iska xakameeyaan oo ay deg deg ugu soo gudbiyaan goobaha caafimaadka ee loo sameeyay ee gurmadka deg degga ah loogu talo galay ee ay ka midka yihiin Cisbitaalka guud iyo goobaha kale ee u diyaarka ah.”
Waxaa kale o uu intaa ku daray Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata. “waxaan ugu baaqayaa guud ahaan dadweynaha gobolka Togdheer in ay ku baraarugsanaadaan xilli roobaadka iyo khatarta ka dhalankarta Shuban biyoodka oo sii faafa ,waxaanan idin leeyahay qofka xannuunku soo rito eed guryaha ku haysataan ee aad wax la cunaysaan ee aydaan iska basrinayn iska daaya oo idnkuna ha is dilina qofka bukana ha galaafanina ee hore ugu soo gudbiya goobaha caafimaadka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax)
Dawannews Hargeysa office