Burco oo Xaalad Degdega la Geliyey Iyo Sarkaal Boolis ah oo La Dhawaacay

0
276

Burco (Dawan)- 158 qof ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay cisbitalka loo dhigay cudurka shubanka oo ka dillaacay Magaalada Burco, Waxaana ku dhintay tiro 20 qof ah toddobaadkii la soo dhaafay, Marxuumkii ugu danbeeyey ayaa shalay u geeriyooday .

Kulan degdega oo ay shalay iskugu yimadeen  Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa laga soo saaray toban qoddob oo ay ku jirtay  in Xaalad degdega ah lagu soo rogay guud ahaan gobolka Togdheer .

Maayirka Degmada Burco , Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf (Muraad) ayaa warbaahinta u sheegay nuxurka kulankii dhex maray golaha Deegaanka Degmada Waxaanu yidhi “ Sagaal qodob ayaanu isla gaadhay oo ay ugu horayso in gobolka Togdheer saacada laga bilaabo uu ku jiro xaalad degdeg ah , in wacyigelinta dawladda hoose iyo Wasaaradda Caafimaadku ay iska kaashanayaan la laban laabo , in la dardargeliyo xaalada nadafadeed ee gobolka , in la joojiyo Imtixaankii dugsiga oo Wasaaraddu dib u eegto xilliga ku haboon, in la fasaxo guud ahaan gobaha waxbarashada Sida ‘ dugsiyada , Jaamacadaha iyo Malcaamadaha , in aan Farmasiyaada la dhigi Karin Bukaan qaba Xanuunka shubanka balse ay ku mudi karaan irbad degdega , goobaha dawooyinku in ay dawada ka iibiyaan cidda u xilsaaran, in kantooralada Magaalada aanu dhigno shaqaale u tababaran oo isugu jira Dawladda hoose iyo Wasaaradda Caafimaadka oo wixii baxayaa iyo wixii soo gelayaa la buufiyo “

Xildhibaanada  golaha deegaanka ayaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ku dhaliilay in ay ka gaabisay gurmadka Caafimaad ee ay bulshadu ka sugaysay waxaana ugu baqeen in ay si degdeg ah ugusoo gurmato gobolka Togdheer .

Cudurka shubanka ayaa markii hore ka dillaacay xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Itoobiya, wuxuuna u soo gudbay  Somaliland.

Hore wuxuu cudurkani uga dillaacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Togdheer, waxaanu imika dad badan ku haleelay magaalo-madaxda gobolkaas ee Burco.

 

Dhinaca kale Taliye ku xigeenkii saldhiga dhexe ee magaalada Burco Aadan Xuseen ayaa xalay lagu toogtay gudaha Magaalada Burco , weerarka ayaa waxa taliyaha ku qaaday dablay hubaysan oo ka ganacsada maandooriyaha Khamriga loo yaqaan .

Dhawaac taliye ku xigeenka ayaa lagu tacalayaa Cisbitaalka Wey nee Magaalada Burco waxaana la sheegay in Xaaladiisa Caafimaad liidato oo dhiigu hoos ugu noqday .

Ciidanka booliska ayaa ugu danbayn gacanta kusoo dhigay dablaydii dhaawacday taliyaha waxaanay ku jiraa gacanta laamaha amaanka .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply