Saldhiga Dawladda Imaaraadku ka Furanayso Somaliland oo Dhawaan Bilaabaya Hawlgaladiisii Millatari

0
280

Hargeysa(Dawan)- Saldhigga  dawladda Imaaraadku ka furanayso Somaliland ayaa  dhawaan bilaabi doona hawlgaladiisii millatari, sidaasna waxa sheegay warbixin lagu daabacay mareegta  The New Arab.

Warbixintan waxa lagu faahfaahiyay ujeeddooyinka laga leeyahay Saldhigan, waxaana soo turjumay  Tifaftiraha Guud ee Dawan Cumar Maxamed Faarax Waxaanu warkaasi u qornaa sidan:-

“Saldhiga Millatari ee dawladda  Imaaraadka carabtu ka furanayso Somaliland, ayaa dhawaan  shaqadiisa bilaabi doon, sida uu  Jimcihii sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire.

Saldhigan oo   laga dhisayo magaalada Berbera ayaa  100km dhinaca waqooyi bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

“Ma rumaysnin  in isticmaalka saldhiggani uu  mandaqada  u horseedi doono xiisad iyo khilaafaad,”ayuu Sacad Cali Shire u sheegay idaacada codka Maraykanka ee Voice of America.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray;  “UAE  waxay  saldhig millatari  hore ugu lahayd  Magaalada Assab ee Eritrea, kaas oo imika shaqeeya. Saldhiggan Berberi se ma noqon doona mid soo cusubnoonaysiiya xiisad hor leh.”

Dalalka jaarka la ah Somaliland sida Itoobiya iyo Jabuuti, ayaa hindisaha saldhiggan diidanaa markii ugu horreysay ee sheekadiisu soo baxdayba, laakiin waxay u muuqdaan inay beddeleen siyaasadoodii ku wajahnayd saldhigaas, waxaa la soo weriyay in Itoobiya loo ogolaaday inay  dekedda isticmaasho marka si buuxda loo dhiso.

Wasiir Sacad wuxuu sheegay inuu fikirkiisii u beddelay sababo la xidhiidha arrimo dhaqaale dartood, waxaannu yidhi;  “Heshiiska Imaaraadka carabta (UAE) ay ku isticmaalayaan madaarka  iyo Dekedda Berbera millatari ahaan. Waxay dawladda Imaaraadku ka dhisi doontaa Somaliland waddooyin, Madaar cusub,waxaanay maalgelin doontaa adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo tamarta.”

Mr. Shire, waxa uu intaas ku daray in saldhiggan loo adeegsan doono tabobarrada  hawlgalada millatari.

Dekedda Berbera waxa maamuli doonta  muddo 30 sannadood ah shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World.

Turkigu waxa uu dhawaan ka furtay saldhig millatari caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaannu saldhigaas u isticmaali doonaa  tababarrada ciidammada la dagaalamaya Al-shabaab.

Danjiraha dawladda Imaaraadka carabta u fadhiya UK, Hamid Almazroui, ayaa sheegay inaanu jirin wax tartan ah oo u dhaxeeya quwadaha shisheeye ee ku sugan Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Dhammaantayo waxaannu ka shaqeynaynaa burburinta al-shabaab, sidaas darteed, markaa sidee ayaanu u tartamaynaa?”

Somaliland ayaa shaacisay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya 1991-kii.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply