Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland oo Kormeeray Magaalada Lawyo-cade

0
307

Lawo-cade (Dawan): Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Somaliland Jen Dayib Cismaan Caalin, ayaa shalay safar shaqo oo kormeer ah ku tegay magaalada  Lawyo-cade  ee ku taalla  xadka galbeed ee ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti.

 Jeneralka  ayaa markii uu halkaasi gaadhay wuxuu socdaal indha indhayn ah ku soo maray goobaha hawlaha shaqo ka socdaan ee isu socodka soohdinta  labada dal Jabuuti iyo Somaliland.

Taliyaha   waxa kormeerka ku wehelinayay maamulka gobolka Selel iyo masuuliyiinta laamaha socdaalka ee ka hawlgala xuduudaha galbeedka Somaliland.

Kadib  waxa uu taliyuhu kulan kula qaatay hoolka shirarka ee laanta socdaalka masuuliyiinta gobolka waxaanu  halkaasi kaga qaatay warbixin ku aaddan siday u socoto shaqadu.

Kulankaasi kadib ayaa taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Somaliland Jeneraal Caalin, ayaa hadallo isugu jiray mahad naq iyo dar-daaran u jeediyay.

 Waxaanu  yidhi “Ugu    horayn waxaan idiinka mahad celinayaa wada shaqaynta aad qirteen in aad leedihiin,  taasoo ku salaysan amaanka dalka.  Waxaana  waajib ah oo  loo baahan yahay in qof waliba xil iska saaro nabadgeliyada,  taasoo ah mid tacab ku timid oo ay maanta Somaliland hadhsanayso.

 Waxaanad  ogaataan in la idiinka baahan yahay in ay daan dayacin tacabkaa ee aad meel uga soo wada jeesataan oo aad hareeraha ka wada taagnaataan”.

Geesta kale taliyaha  laanta socdaalka ee gobolka Selel gaashaanle  Fu’aad Cabdi Ismaaciil, waxaanu sheegay in shaqadu ay si fiican ugu socoto, hase yeeshee mararka qaarkood ay dhici karto in khilaaf yimaado.

Waxaanu yidhi “Waxaanu wada shaqaynaa laamaha booliiska, waaxda maaliyada, ciidamada qaranka, gudoomiyaha gobolka iyo agaasimeyaasha kale ee gobolka dhamaantood-na si fiican oo waajib wada shaqayn ah ayaanu leenahay.

 Haddii  ay shaqo socota-na dabcan wuu dhici karaa khilaaf,  hase ahaatee sharciga ayaa noo dhex ah oo na daaweeya”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply