“Waxaan Bogaadinayaa Wasiirka Caafimaadka Somaliland”

0
301

Burco (Dawan)- Xildhibaan Cisman Faarax Warsame Jiciir oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray  Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xaglatoosiye, isaga oo ku amaanay kaalinta mugga leh ee ka qaatay ka hortaga iyo la dagaalanka  xanuunka shubab biyoodka ee dilaacay dalka.

Mudane Cisman Faarax Warsame Jiciir waxa uu sidaasi ku sheegay war murtiyeed uu ka soo saaray magaalada Burco, sidoo kalena waxa uu hambalyo taa la mid ah u daray Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad

“Anigoo ah xildhiban Cisman Faarax Warsame Jiciir kana mid ah Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xaglatoosiye iyadoo aan ugu hambalyaynaya sidii uu gurmadka laxaadka leh uga galay xanuunadii is daba jooga ahaa ee ka dilaacay daafaha Somaliland, xanuunadaas oo kala ah, Shuban biyood, Jadeeco iyo Nafaqa darro baahsan oo haleeshay dadkii abaartu saamaysay.

 

Waxa kale oo uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglatoosiye ku guulaystay inuu xakameeyo xanuunadaas min Boorama ilaa Buuhoodle, una tafa xaytay sidii uu gacan mug leh uga gaysan lahaa una xakamayn lahaa xanuunadaas ka dilaacay guud ahaan Somaliland.

 

Waxa kale oo hambalyo u dirayaa Wasiirkii hore Ee Madaxtooyada Somaliland Ex Wasir Xirsi Cali X. Xassan gurmadkii balaadhnaa ee uu isugu jiray daawooyinka iyo dhakhaatiirta ajaanibka ahaa ee uu gaadhsiiyay badiba degmooyinka Buuhoodle, Togdheer iyo Saraar.

 

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad, oo isaguna kaalin wayn ka gaystay ka hortaga iyo xakamaynta xanuunka shuban biyoodka, isla markaana gacan wany naga siiyay xakamaynta xanuunadii ka dilaacay deegaanka Buuhoodle.

Xildhiban: Cisman Faarax Warsame.

Burco-Somaliland

Contact: jiciir20@gmail.com.”

Leave a Reply