Xukuumadda oo ka Hadashay Digniin ay Dawladda Ingiriisku ka soo Saartay Amaanka Somaliland

0
339

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda  Somaliland, ayaa ka hadashay digniin ay soo saartay dawladda Ingiriisku, taas oo la xidhiidhay in muwaadiniinteedu aanay booqan karin magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, sababo amaan darteed.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa arrintaasi si adag uga hadlay, waxaannu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal xasilloon oo nabad ah, isla markaana cid kasta oo  timaadaa aanay kala kulmayn wax argagixiso ah iyo dhibaato kale toona.

Dr. Sacad sidoo kale waxa uu ka hadlay socdaal shaqo oo ku soo maray wadamo dhawr ah, kuwaasi oo uu sheegay in uu ka soo hooyay guulo qaran, waxaanu sheegay in madaxda dalalka uu soo maray ay kala hadleen qadiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu wasiirku sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa. Waxaannu yidhi; “Wasaaradda arrimaha dibada ee Ingiriiska iyo Mareykanku had iyo jeer waxa ay soo saaraan talooyin ay ujeedinayaan shicibkooda ee marba xaalada nabad-galiyo ee wadamadooda iyo caalamka oo dhan oo Somaliland ay ka mid tahay, talooyinka ay ka bixiyeen marka aad website-yadooda ka eegto wax cusub maaha, waa mid baryahaaba jirtay weeye, wadankii Somaliland iyo Soomaaliya leysku odhan jirayna waa leysku qaadaa oo waa xaalad adag ayaa la yidhaaha oo waa looga digaa dadku inay u safraan, waxaana laga reebaa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, dhab ahaana taladaasi mid inaga inagu haboon maaha, waayo xaalada nabad-galiyo ka taagan Somaliland waa ay ka duwan ta ka taagan Soomaaliya, halkaasi dhab ahaantii cadaaldaro ayaa ka taagan horena waan uga wada hadalay, waxaanan rajeynayaa dhab ahaan arrintaasi in la saxo oo dadka war saxa loo sheego oo ah Somaliland waa meel nabada oo la iman karo imikaba waa la joogaa qofkii yimaadana aanu kala kulmeyn wax argagixiso amase dhibaato ah”

Dr. Sacad dhanka kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeeddada uu daaranaa socdaal uu ku soo maray qaar ka mid ah dalalka adduunka, waxaannu yidhi “Ujeeddada socdaalkaygu waxa uu ahaa inaan bulshada kala qaybgalo munaasibada xuska 18-ka May iyo sidii aanu u xoojin laheyn xidhiidhka innaga dhaxeeya innaga iyo wadamadaasi, waxaan soo maray saddex wadan, wadanka Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka, wadanka Ingiriiska iyo wadanka Mareykanka oo aan ugu horreeyay waxaan kala qayb galay furitaanka xafiiska Sweden ee Somaliland waxaana ka soo qayb galay dad badan oo ka socday bulshada rayidka ah, iyo xubno ka socday baarlamaanka Sweden si wanaagsan ayaanay u dhacday, waxaan uga sii gudbay ingiriiska halkaasi oo aan kaga qayb galay xafladii xuska 18-ka May, shirweyn oo halkaasi lagu qaybtay”

“Dalka Ingiriiska waxaan kaga qayb galay bannaanbax halkaasi lagu qabtay, waxa kale oo aan fursad u helay  inaan wareysiyo siiyo warbaahinta, BBC-da, Tv-ga Radiyaha, iyo Journalka Fanentional, waxaan uga gudbay wadanka Mareykanka halkaasi oo aan si rasmiya uga furay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Mareykanka, intii aan joogayna waxaan fursad u helay inaan la kulmo madax ka socota dawlada Mareykanka, xubno ka mida Congreska Mareykanka warbaahinta iyo khuburo kaleba waan la kulmay si wanaagsan ayaanu noogu dhacay, kulamada aanu la yeelanay dadkaasi oo dhan, waxaanan uga gudbay dhanka magaalada Newyork halkaasi oo aan kula kulmay madax ka socotay Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply