Somaliland iyo Jabuuti oo Kala Saxeexday Heshiis Is-kaashiga Saadaasha Hawadda

0
352

Jabuuti (Dawan)-Somaliland iyo dalka jamhuuriyadda Jabuuti  ayaa wada gaadhay heshiis is-kaashi oo dhinaca saadaasha hawadda ah. Kadib wada hadallo muddo u socday labadda wasaaradood.

 

Heshiiskani ay wada gaadheen Somaliland iyo Jabuuti ayaa la sheegay in uu la xidhiidho sidii ay wasaaradda    qalabaynta iyo gaadiidka ee dalka Jabuuti ay uga caawin lahayd horumarinta arrimaha saadaasha hawadda wasaaradda duulista hawadda ee Somaliland.

 

Waxaana heshiiskaasi shalay magaaladda Jabuuti ku  wada saxeexay   wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo safar shaqo ku jooga dalka jamhuuriyadda Jabuuti kadib mart-qaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalka Jabuuti.

Halka dhinaca Jabuuti uu heshiiskaasi la saxeexday  wasiirka wasaaradda qalabaynta iyo gaadiidka ee Jabuuti Maxamed C/qaadir Muuse.

 

Sidoo kale wasiirka duulista Somaliland waxa uu kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan    urur goboleedka IGAD oo ahaa in ay wasaaradda duulista Somaliland  ka caawiyaan  qaybta saadaasha hawadda ee wasaaradda duulista.

Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland  Farxaan Aadan Haybe, oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay  kulamadaasi iyo waxyaabihii ay dhinacyadu isla qaateen.Waxaanu yidhi, “Halkan (Jabuuti) waxaanu ku nimid marti-qaad rasmi ah oo aanu ka helnay  wasiirka gaadiidka iyo hawlaha guud ee dalka Jabuuti. Qorshahayagu wuxuu ahaa mid muddo soo socday, marka aanu dhamaysano heshiiska aanu wada gaadhnay.

Waxa kale oo aanu   la kulamo la yeelanay madax ka tirsan IGAD oo ay hore wada hadalo noogu socdeen, oo ahaa in ay qalabeeyaan  qaybta saadaasha hawadda  ee wasaaradda duulista Somaliland.

 

Sidoo kale   wasiirka qalabaynta iyo gaadiidka ee dalka Jabuuti C/qaadir Muuse, ayaa isna sharaxaad ka bixiyay heshiiska iskaashiga dhinaca saadaasha hawadda ee ay dhigiisa Somaliland kala saxeexdeen.

Waxaanu yidhi “Waxaanu kala saxeexanay in aany iska kaashano saadaasha hawadda walaalaheen Somaliland, waxaanan isla gaadhnay in aanu gaadhsiino waxyaabaha aanay gaadhin ee xagga saadaasha hawadda.

Sida aad ogtihiin Somaliland iyo Jabuuti xidhiidh fiican ayaa ka dhexeeya, waana laba wadan oo walaalo ah, waanan garab taaganahay”.

Geesta  kale  wasiirka duulista Somaliland waxaa kulamadaasi ku wehelinaya danjiraha Somaliland ee Jabuuti  C/fataax Siciid Axmed  iyo agaasimaha waaxda saadaasha  hawadda ee wasaaradda duulista iyo xubno kale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply