Basaaskii Halista Ahaa Ee Gudbiyay Mashruucii “Manhattan Project”!

0
483

Emil Julius Klaus Fuchs wuxu ku dhashay dalka Jarmalka bishii December sanadkii 1911, waxaana qoyskooda ka koobna afar caruur ah isaguna wuxu aah kan sadexaad. Wuxu caan ku ahaa magaciisa sadexaad ee Fuchs oo loogu yeedhi jiray. Waxa ka weynaa laba caruur oo wiil iyo gabadh ah , iyadoo gabadh kalena ka yarayd. Qoyskooda ayaa ka kexeeyay magaalada Eisnach waxay geeyeen Gymnaium siloogu daro dugsi uu ugu diyaar garoobo waxabarashada Jaamcadda . Fuchs iyo walaaladii waxay jeclaayeen siyaasadda sida aabahood. Waxayna caan ku noqdeen magaca Dacawadii casayd oo ahayd naanays u ahayd.

Fuche wuxu galay jaamacadda sanadkii 1930, halkaasi oo aabihii ka ahaa Professor dhiga cilmiga Theology. Wuxu aad u xiisaynayay barashada siyaasadda , isagoo si joogto ah ula xidhiidhi jiray ardayda kulliyadda Social Democratic Party of Germany, waa xisbi abihii ku biiray sanadkii 1912, waana xisbi shuuciga ah oo Jarmal ah.

Aabihii oo shaqo kale ka helay jaamacadda Kiei ayaa isagana ku soo daray Jaamacadda oo marka horeba ay dhigan jireen labada caruur ah ee ka waaweynaa Gehrad iyo Elisabeth. Fuch wuxu baran jiray cilmiga xisaabta iyo physic. Sanadkii 1931 , bishii October ayay hoyadii is dishay iyadoo cabtay Hydrochloric acid. Waxaana qoyskoode intaasi ka dib hawshii guriga  ka qaaday ayaydood hooyo. La soco…

 

 

Leave a Reply