Faysal Cali Waraabe oo WADDANI ku Eedeeyay Inuu Khilaafka Dalalka Carabta la Saftay Soomaaliya

0
362

Hargaysa  (Dawan)-   Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID    Eng.  Faysal Cali Waraabe,  ayaa xukuumadda talada haysa ku taageeray mawqif kii ay ka qaadatay go’doominta ay waddamada Sucuudiga iyo khaliijka carabtu  ku soo rogeen dawladda Qadar.Waxaannu  ku eedeeyay xisbiga Waddani in ay isku mawqif  ka  noqdeen dawladda Xamar cilaaqaadka ay dawlado badani u jareen Qadar, maadaama oo ay  dawladda Soomaaliya sheegtay in ay dhex ka tahay, halka xisbiga Waddani-na uu Soomaaliya la saftay.

 

Eng.  Faysal Cali Waraabe,  waxa  uu tilmaamay in ay noqonayso  markii u horaysay  oo xisbi Somaliland ka mid ah axsaabta siyaasadda   ay isku mawqif noqdaan dawlada Soomaaliya. Waxaanu  yidhi “Xukuumaddu  (Somaliland) waxay   taageertay xulafada Sucuudiga.   Markii   ay wadamo is-qab-sadaan aad xidhiidh leedihiin, waxaa la eegaa   sida aad xidhiidhka u  leedihiin,  oo macaamilo u leedihiin.

Dadkeenuna  way  ka  shaqaynayeen markii la aasaasay Sucuudiga,  waxaana jira shirkadda  ugu wayn ee shiidaalka soo saarta Sucuudiga dadkii u horeeyay ee ka shaqeeyay Somaliland ayay ka soo jeedeen, waxaana  jirta in 5000  qof oo Sucuudiga jooga.  Imaaraadka  carabtu waa wadanka maalgashanaya wadankeena ee saldhiga  ka samaystay dalkeena, markaa marka ay is qabsadaan saaxiibkaa iyo inaadeerkii   saaxiibkaa  ayaad raacaysaa.  Xukuumadda Somaliland  waan ku hambalyaynaynaa  mawqifkaa ay iska taagtay arrintaasi,  waana mawqif fiican,  waana siyaasad fiican oo ku dhiirasho leh”. “Waan  ka xumahay in xisbigii Waddani  ay isku mawqif  noqdeen dawladda Soomaaliya,  waana markii u horraysay ee xisbi Somaliland  ah ay  isku mawqif noqdaan dawladda Soomaaliya  ee been beenta ah,  ee aan jirin,  ee la haysto,  ee la leeyahay waa dawlad,” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID. Geesta kale Faysal Cali Warrabe,  ayaa   ku  hambalyeeyay wasaarada caafimaadka sidii ay u   xakamaysay   shuban-biyoodkii  ka dilaacay magaalada Burco iyo degaamo ka tirsan gobolka Togdheer.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply