Cabdinaasir Garaad Abshir oo Baaq u diray Siyaasiyiinta Dhulbahante

0
368

Hargeysa(Dawan)- Mr. Cabdinaasir Garaad Abshir ayaa shaaca ka qaaday inuu wadanka Ingiriiska ku soo arkay mowqif midaysan oo  jaaliyada Somaliland ee ka soo jeeda gobolada Barrigu ku waajahaan  horumarinta dalkooda iyo taakulaynta bulshada ay saamaysay abaaraha iyo xanuunadii ka dhacay.

Mr. Cabdinaasir Garaad Abshir, La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Barriga Somaliland oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal, socdaal uu kaga soo noqday wadanka Ingiriiska ayaa sheegay, inuu ku soo arkay jaaliyaddaha gobolada barriga ee dalka Ingiriiska mowqif midaysan, waxaanu yidhi,

“Waxaan la soo kulmay dad u middeysan dadkooda iyo dalkooda, isha iyo dhegtaba kala socda kulamadooda iyo shirarkooda ku aadan xaalada wadanka hadba wixii ku soo siyaadaa aanu joogsi lahayn.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.

“Qaadhaankana wadajir ayey ugu soo uruurinayeen, sida abbaarihii dalku soo maray iyo la tacaalidii cudurkii shuban biyoodka ee gobolada qaarkood ka dillaacay, guud ahaana waxay ahaayeen dad dadaalaya oo isku duuban,”

Mr. Cabdinaasir Garaad ayaa u soo jeediyey siyaasiyiinta gobolada Barriga inay soo dhoweeyaan wada hadalada dhexmaray xukuumada Somaliland iyo kooxda Khaatumo, isla markaana rajaynayo inay ka soo baxaan natiijo wanaagsan, waxaanu yidhi,

“Wada hadalka u socday xukuumada Somaliland iyo khaatumo, sida aan maqlayno waxa suurtagal ah in  xilligan loo soo wareejiyo Hargaysa, sidaa darteed, madaxdii beelaha Bariga ee hore  u aaminsanaa   Somaliland iyo mabda’eeda gooni-isu-taaga waxaan ku talinayaa in aynaan si kale u arag, aragti kalena aynaan ka qaadan.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.

“Waxa la rabaa in ummadda wixii isu keenaya ee mideynaya in aynu ka  wada shaqayno si aanu u khasaarin tacabkeenii hore shacabkuna aanu ugu arag niman mashruuc gaara watey oo uu ka go’ayo haddii ay wadahadalkana midho dhalo, Prof Cali Khaliif iyo raggiisa ku sugan Hargaysa waxaan leeyahay oo ku celinayaa inaynu soo dhaweyno oo garab istaagno”

 

La-taliyaha Madaxweynaha JSL ee Gobolada Barriga ayaa soo jeediyey in la fuliyo balanqaadyo xukuumadu u qaaday bulshada, si kalsoonidooda Somaliland u tisqaado, waxaanu yidhi,

“Waxaa jiray balanqaadyo xukuumaddu bulshada ku rajo gelisay , sida riigag iyo biyo xidheeno, ee degmooyinka widhwidh, iyo Saaxdheer, waxaana ku talinayaa in aan la ilaawin oo la fuliyo balanqaadyadii, waayo abaarihii iyo baahidii bulshadaasi u qabtay ee xukuumadda kaga codsadeen may helin waxay kaga kaaftoomaan ayaan leeyahay”

 

Mr. Cabdinaasir Garaad Abshir ayaa soo dhoweeyey go’aankii xukuumada Somaliland u garab-istaagtay xulafada Sacuudiga, kuna amaanay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed dedaaladuu ka geystay xakamaynta xanuunadii ka dilaacay gobolada dalka qaarkood.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply