Kulan Afur ah oo Madaxtooyadu u Samaysay Ardayda iyo Macalimiinta Jaamacadaha Dalka

0
434

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa munaasibad afur ah ku marti qaaday arday iyo macalimiin ka socday lix jaamacadood oo ka mid ah jaamacadaha dalka iyo saraakiil ka tirsan wasaaaradaha dawladda.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socday Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa si mug leh loogu gorfeeyay xaaladda sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha sarifka lacagaha qalaad iyo waliba sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha soo noqnoqonayay sannadihii ugu dambeeyay.

Agaasimaha guud ee tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada mudane Yuusuf Axmed Cali oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Inaynu lacagteena qiimaheeda sare u soo qaadno aad iyo aad ayaa looga dooday, waxaanay u baahan tahay dhiirani, go’aan iyo doonis kaliya, wax kale oo ay u baahan tahay habayaraatee ma jirto, wixii talooyin ah oo dhamays tiran halkan ayaannu ku haynaa, waxanu jaraynaynaa in shirkaa ka dambeeya ee aad madaxtooyada ku qabanaysaan inuu noqdo Jaadka iyo wixii aynu qorshe ka samaysanayno, haddii kale waa dhiig bax, waayo maalintii laba milyan oo doolar ayuu inooga baahan yahay.”

Gudoomiyaha  rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “Ciddii fikirkan lahayd, cidii ka caawisay iyo cidkasta wax ku dartay hawshan iyadana waan u mahad naqayaa. Arrinta koowaad ee sicir bararka runtii arrintaa waan sixi lahaaye, dhibaatada ina haysataa maaha sicir barar ee waa sarrif barar, waayo badeecadu ma kicin,  marka caalamka laynoo eego maanta ayey jaban tahay, kiishka sibidh-ka ah ee awal la siin jiray sideeda doolar, imika afar doolar iyo sideed santi ayaa la siiyaa, markaa qiimuhu ma bararin ee shilinkeeda ayaa bararay, arintaasina laba lugood ayey ku taagan tahay oo kalsooni darro shilinkeena aynu u hayno ay kow ka tahay”

Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada mudane Axmed Xaashi Cabdi, oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Sharaf ayey ii tahay inaan maanta ka soo qayb galo munaasibadan lagu soo gabgabaynayo laba maalmood, oo aqoon is waydaarsi iyo wax kala faa’iidaysi ahaa oo ay noo soo bandhigayeen, ardayda lixda jaamacadood ee halkan maanta inala fadhiya, oo ku saabsanaa laba qodob oo aad muhiim u ahaa oo xukuumadda iyo qaran ahaanba, wax ka qabashadoodu muhiim u tahay, waa dhaqaalaha iyo sidii looga hortagi lahaa abaaraha soo noqnoqanaya. Anigu waxaan aamin sanahay in mar haddii xukuumadii iyo jaamacadihii ay is kaashanayaan uu horumarka Somaliland kow inoo yahay, oo uu maanta inoo bilaabmayo, aad ayaanan ugu farax sanahay”

Gudoomiyaha Jaamacada Beder mudane Mubaarig Ibraahim Aar, oo ku hadlayey magaca gudoomiyeyaasha jaamacadaha kulankaasi ka qayb galaya oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Runtii  inay ardaydu is dhexgalaan oo ay wada kulmaan oo ay wada doodaan waa qodob aad u mihiima waxaa la yidhi jaamacaadku saddex shay ayey u samaysaysan yihiin, 1. Inay dadka wax baraan (Teaching) 2. Inay Cilmibaadhis sameeyaan(Research) 3. Inay bulshada wax u qabtaan oo dhibaatooyinka yaala ay wax ka qabtaan (Services) markaa arrinta aynu maanta qabanay waa waajibadkii Jaamacaadka saarnaa, inta badan Jaamacaadkeenu waxay ku kooban yihiin  Teaching and Learning laakiin waxaad moodaa Research iyo Service ku inuu ka maqan yahay”

Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi  oo gabgabadii kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Ujeedada u weyn ee kulankani waxay ahayd bogaadin iyo mahad naq, galabta inaynu wada afurno kalana baqoolno, isna sagootino, isuna sii ducayno. Waxaan ugu horayn jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo uguna mahad naqno dhammaan ardayda iyo macalimiinta ka soo qayb galay kulankan aqoon is waydaarsiga ah, dhinacna cilmi baadhista ka ah gaar ahaan weftigii ardayda iyo macalimiinta ka timid jaamacada Laascaanood ee Nugaal, jaamacada Burco, Jaamacada Golis, Jaamacada Hargeysa, jaamacada Camuud iyo Jaamacada Badar. Lixdaa jaamacadood dhamaantiinba waan idiin mahad naqaynaa, waxaannu idinku bogaadinaynaa aqoontii, hal abuurkii iyo doodihii hufnaa ee labadii mawduuc ee waa weynaa muddadii aad nala joogteen aad ka samayseen, ee ka soo kabashada abaaraha iyo abaaraha sideebaynu ugu soo kaban karnaa, maxaynu qaban karnaa, mawduuca kalena ahaa nolosheenii oo ku tiirsantay lacag qalaad iyo qiimo dhaca shilinkeena ugu hortagi karnaa, aad iyo aad ayaanu idiinku bogaadinaynaa.”

Wasiir Xaashi ayaa balan qaaday inay ka faa’iidayn doonaan daraasahadaasi ardaydu u gudbiyeen waxaanu yidhi “ Waxaannu idiin balan qaadaynaa waxaa aad maskaxdiina ka tuujiseen in aanay noqon hal bacaad lagu lisay iyo warqado wax lagu qoray, ee ay noqdaan wax laga faa’iidaysto, ujeedada aanu idiinku yeedhnayna ma ahayn madadaalo, maaweelo iyo isbarasho kaliya, is dhexgalka iyo isbarashada jaamacado ahaan waa ka qayb laakiin waxa  ka waynaa in aqoon la idinka helo, qarankan sidii maalintii hore aan warbixinta ku daray duruufo badan oo xoog badan ayaa hareereeyey oo aannu habeen iyo maalinba xalino, aduun faro-badan ayaanu ku bixinaa xalintooda, oo aynu ku bixin kari lahayn hal-abuur iyo cilmi-baadhis, markaa in aad nala wadaagtaan, aqoontii jaamacadaha iyo talooyin ayaa nuxurku ahaa, waanu ka sii kordhin doonaa, Xukuumadda cusub ee timaadana waanu ku sii dhiiri-galin doonaa, waanna kula talin doonaa in tubtaa la kordhiyo, sunahaana la joogteeyo”

Munaasibada afurkaasi ayaa waxa  kale oo ka soo qayb galay, xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Qorshaynta Maxmed Ibraahim Qabo, Beeraha Maxamed Aw Daahir, iyo Masuuliyiin kale, dhamaantoodna halkaasi hadalo ka jeediyey.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply