Daraasad Caafimaad Oo Daaha Ka Qaaday Farqiga Caafimaad Ee U Dhexeeya Cunista Kalluunka Iyo Sonkorta

0
557

Khubaro Caafimaad oo u dhashay wadanka Maraykanka oo wax ka dhiga Jaamacadda University of California Los Angeles (UCLA), ayaa ogaaday in qofka sonkorta badan isticmaala iyo qofka sonkorta yar istimcaalaa ay kala maskax iyo karti-ba badan yihiin.
Sonkorta badan maskaxda ayay wax u dhintaa, ayay Culimadda sayniska ee ikhtiraaca sameeyay ku qoreen warbixin ay ka soo saareen jaamacadda University of California Los Angeles (UCLA) oo ku soo baxday majaaladda la yiraa Journal of Physiology.

Daraasadan ayaa lagu ogaaday tijaabo lagu sameeyay laba wiil oo laba jir ah. Mid waxaa la siiyay sonkorta khudaarta, mida sonkor lagu daray OMEGA3 .
Lix toddobaad kabacdi, sonkorta omega 3 oo ah (saliida kaluunka ) ayaa isagu noqday mid firfircoon,halka midkii sonkorta loogu daray galayda uu noqday mid doqon ah oo laysi ah waxna aan baran Karin, waliba aan xasuusan waxay ahayd shaqadii loodiray.

Unugyada maskaxda ee lagu quudiyay cuntada sonkorta ku badan tahay ayaa ah mid ay firfircoonaantiisa la isku halayn karin.
Mid ka mida saynisyahanadaWarbixin Soo Saaray oo lagu maga caabo Gómez-Pinilla ayaa yiri “Baaritaanka waxaa uu cadaynayaa in cuntada aad cuntaa raad ku leedahay sida aad u fikirto”

Cilmi-baaristaan cusub ayaa waxay digniin ka bixinaysaa in caruurta aan lagu quudin cunnada sokortu ku badan tahay, lagan taxadaro koritaanka iyo tayada maskaxeed ee ilmaha.

Leave a Reply