Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Boosaha oo Talooyin u Jeediyay WADDANI iyo UCID

0
448

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xigeenkii hore ee  wasaaradda boosaha iyo is-gaadhsiinta  xukuumadii UDUB Cali Sheekh Maxamed cabdi (Aadami), ayaa soo dhaweeyay talaabooyin dhinaca siyaasadda ah oo todobaadkan  ka dhacay Somaliland oo  ay qaadeen  madaxweynaha, xukuumadda iyo komishank doorashooyinka.

Tallaabooyinkaasi oo kala ah go’aankii uu madaxweyne Siilaanyo   ku dhaqan-geliyay  doorashadda, gudiga doorashooyinka oo mudeeyay wakhtiga ay dalka ka qabsoomayso doorashadda  iyo wasaaradda maaliyadda oo komishanka ku wareejisay qaybtii xukuumadda kaga soo beegantay  lacagta ku baxaysa doorashadda.

 

Cali Sheekh Maxamed cabdi (Aadami), oo xalay  u waramay DAWAN, waxa kale oo uu  axsaabta siyaasadda u soo jeediyay in ay u diyaar garoobaan doorashadda madaxtooyadda maadaama oo  la dhamaystiray wakhtiga ay dhacayso iyo wixii kharash ahaa ee ku baxayay.

Sidaas darteedna xisbiyadda looga baahan yahay in iyagna ay wixii ka qabyo si dhakhso ah u soo dhamaystiraan, sida guddoomiyaha xisbiga Waddani oo laba jago isku haya iyo xisbiga UCID oo aan weli soo magacaabin  musharaxa jagadda madaxweyne ku xigeenka.

“Marka hore waxaan hambalyaynayaa geedi-socodka siyaasaded ee  cusub ee todobaadkan ka dhacay Somaliland. Kuwaasi  oo  kala ah, guddiga doorashooyinka  oo mudeeyay wakhtiga doorashadda. Wasaaradda maaliyadda oo bixisay qaadhaankii lacaageed ee kaga beegnaa. Madaxweynaha oo maalintiiba  dhaqan-geliyay  kuna soo saaray digreeto wakhtiga doorashadda.

Waxaan codsanayaa in xisbiyadu u diyaar garoobaan oo ay dhaqaajiyaan wixii qabyo ka ah. Kuwaasi oo ay ka mid tahay is-casilaadda  madaxda mansabyadda labadda ah haysa, sida guddoomiyaha golaha Wakiiladda. Xisbiyadda qaarkood oo aanay weli cadayn  musharixiinta jagooyinka madaxweyne ku xigeenka, sida xisbiga  UCID,” ayuu yidhi Cali Sheekh Maxamed.

Waxa kaloo uu  xisbiyadda siyaasadda u soo jeediyay talooyin dhawr ah, kuwaasi oo ay ka mid tahay  in la joojiyo isticmaalka erayo aanu fiicnayn adeegsigoodu oo   ay  beryahan danbe siyaasiyiintu  adeegsadaan,   dhalinyaradda la soo ururiyo ee xisbiyadda ku biirra iyo odayaasha dhaqanka ee warbaahinta la soo fadhiisiyo si ay qabiil-nimo ugu dhaataan .“Waxa kale oo aan codsanayaa  in la joojiyo isticmaalka erayaddan,  Canbaarayn iyo Dhaleecayn, waayo waxay noqdeen erayadaasi  markaan baadhitaan ku sameeyay  cudurro ku dhaca xoolaha siiba Geella. Waxaanan  ku talin lahaa in eryadaasi isiticmaalkoodda laga joojiyo warbaahinta, laguna bedello erayadan ‘Dhaliil iyo Toosin’”,ayuu yidhi Cali Sheekh

Waxa kale oo aan ku baaqayaa in la yareeyo dhallinyarada ururrada ah ee la leeyahay waxay ku biireen  ama galeen xisbi, wax is-qabanaya ma aha arrimahaasi. Waxa kale oo aan xisbiyadda ku waaninayaa in ay joojiyaan  odayaasha dhaqanka ee  warbaahinta la keenayo si ay uga caytamaan, uguna dhaataan qabiilnimo.

Waxa  kale oo aan ugu baaqayaa in la joojiyo xafladaha gelida iyo ka bixista xisbiyadda siyaasadda, taasi oo ah kuwo wax loogu dhimayo  haybadii x isbiyadda in badana dheel-dheel iyo daacadnimo darro”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply