Gar-yaqaanka Guud oo Sharraxay Hanaanka Sharci ee Loo Marayo Magacaabista Gudidda Culimada

0
389

Hargaysa (Dawan)- Gar-yaqaanka guud ee Somaliland Cabdisemad  Cumar Maal,    ayaa  sheegay in aanay jirin guddi  culimo ah oo uu magacaabay madaxweynaha Somaliland, hase yeeshee uu madaxweynuhu u xushay xubno gudi ah oo golaha Guurtidda u gudbin doona gudidda culimadda.

 

Cabdisamad Cumar Maal oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa  waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo u xushay guddi ka kooban xukuumadda  iyo golaha Guurtidda,  kuwaas oo golaha Guurtida u gudbin doona gudidda culimada. Waxaanu   gef iyo meel-ka-dhac   ku tilmaamay  hadalo ka soo yeedhay guddoomiyaha guddida qareenada Somaliland oo qayrul dastuuri ku tilmaamay gudi culimo ah oo xukuumaddu magacawday.Isagoo   u soo jeediyay guddoomiyaha ururka qareenada in uu ka waan toobo waxyaabaha aan jirin ee uu ku hadlay.

 

Gar-yaqaanka guud oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaan ka jawaabayaa  hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha gidida    qareenada Somaliland  oo qayrul dastuuri ku sheegay  guddi culimo ah oo xukuumaddu magacawday, mana jirto   gudi  culimo ah oo uu magacabay madaxweynaha Somaliland.

Aniga  ayaa ah gar-yaqaanka guud ee qaranka, waana wax ku soo baxa faafinta guud. Gudida  la macaabayna wax  ka xidhan saxaafada ma aha,  waxaana ugu danbaysay wax la magacaabay wakaalada beenyada.

Nidaamka  loo magacaabayna dastuurka ayaa sheegaya,   waxaana xeeriya lix qodob oo dastuurka ku jira,  waana  wax iska cad oo qof waliba fahmi karo nidaamka loo magacaabayo”.

“Waxa  jirtay  guddi  madaxweynuhu u soo xushay in golaha Guurtida u gudbiyaan gudida culimada sida uu sheegayo  qodobka boqol iyo sagaal iyo toban (119) ee dastuurka.

Gudidda  culimada waxa xulaya guddi ka kooban xukuumadda iyo golaha Guurtida oo tiro is-le’ega ah,   gudidaas  ayaa u gudbinaysa golaha Guurtida gudida culimada.

Golaha  Guurtida ayaana ansixinta iska leh oo soo saaraya, laakiin wax madaxweynuhu magacaabay ma jirto,” ayuu yidhi gar-yaqaanka guud.

 

Cabdisamad Cumar Maal,  waxa uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo  u xushay  in  ay gudida culimada soo magacaabaan laba  guddi oo ka kooban xukuumadda iyo golaha Guurtida.

“Waxaa  madaxweynuhu u xushay in ay  soo magacaabaan gudida culimada guddi ka kooban laba wasiir   iyo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha Guurtida, isagoo  adeegsanaya qodobka  dastuurka ee  119  faqradiisa koowaad oo dhigaya in gudida culimada ay soo  xulayaan xubno ka kooban xukuumada iyo golaha Guurtida.

Cidda  magacaabaysa guddida culimada madaxweynaha ma aha,  markaa ma aha in qof aan waxba hubsan oo ah   kii u mudnaa in uu dastuurka ilaaliyo  in uu ku tilmaamo in uu madaxweynuhu  dastuurka jebiyay, taasina     waa gef,” ayuu yidhi Cabdisemad Cumar Maal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply