Wasiiru-dawlaha Cusub ee Wasaaradda Duulista oo Xilkii la Wareegay

0
404

Hargeysa (Dawan)- Manaasibad balaadhan ayaa saaka lagu qabtay xarunta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, munaasibadan oo ahayad mid si heer sare ah loo soo agaasmay, ayaa waxaa xilka kula kala wareegaayey Wasiirudawlaha Cusub ee Wasaarada Duulista Axmed Cali Maxamuud iyo Wasiiru Dawlihii hore Axmed Nuur Faahiye.

Waxa munaasibadaasi ka soo qayab galay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka, labada Wasiiru Dawle ee Xilka la kala wareegaayay, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista, Masuulyiin ka kala socotay, Wasaarada Duulista iyo Hay’adaha kale ee dawlada, aqoon yahano, Ganacsato, iyo hawlwadeenada Wasaarada Duulista, iyo Dad weyane kale.

Gudoomiyaha Gudiga dib u dhiska Madaarka Burco Sheekh Cali Mawliid, Xildhibaan Ibaraahim Caraale, Agaasimaha waaxda Qorshayanta ee Wasaarada Duulista Aniisa, Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf,  Ganacsade Shabac, Mataan Suhayar, ayaa halkaasi hadalo dardaaran ah uga soo jeediyay Wasiru Dawlaha Cusub, sidoo kalena kaalintiisii hawl karnimo ka tilmaamay Wasiiru Dawlihii hore.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar Cabdillaahi Aadan oo sii sagootiyaaya Wasiiru Dawlaha hore ayaa waxa uu yidhi “waxaan sii sagootiyayaa wasiiru dawlihii hore ee Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye oo runtii ahaa saaxiibkay intii uu halkan igala shaqaynaayayna aan ku bartay dabeecad wanaag iyo dad jacayl, waan la qabaa sida la sheegay inuu Axmed u qalmo xilkan mid ka sarreeya insha Allah waan u rajaynayaa Axmed dadka iyo dalkuba wuu u baahan yahay”

Dhanka kale Agaasimaha Guud waxa uu soo dhaweeyay Wasiirudawlaha Cusub Waxaanuu sheegay in uu la shaqayan doono, sidoo kalena waxa uu faahfaahin ka bixiyay xaaladda Hawada Somaliland ee ay maamusho ICAO, waxaanu yidhi “waxaad ogtihiin dhulkeenii iyo badeeniiba waynu maamulaa laakiin cirkeena ma maamulo qaramada midoobay  baa haysata, waxaana maalin iyo habeen u ham iyo digleh inay hawdeena inaga la wareegto dawlada Muqdisho oo doonaysa inay keligeed maroorsato  arintaa runtii qarankuna wuu ka feejigan yahay.”

Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Axmed Nuur Faahiye, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi “ugu horrayn waxaan u mahadnaqayaa madaxwaynaha Qaranka Jamahuuriyada Somaliland xilkii uu ii dhiibay muddo afar sano iyo badh ah ee maantana uu gartay inuu i nasiyo, madaxwaynuhu wuu i nasiyay sababta oo ah waxaan soo qaban waayay afar sanno iyo badh oo aan mado sedex bilood gudaheeda aan  ku fashilmay ma jiro, oo xil gudasho aan ku qaadan waayay. Wasiir udawlaha cusubna sidii aad aniga iila shaqayn jirteen ula shaqeeya.”

Faahiye waxa uu sheegay in uu Xisbiga Kulmiye la sii shaqayan doono waxaana uu yidhi “Anigu waxaan ka tirsanahay xisbiga kulmiye guddida fulintaan ku jiraa markaa marna xisbigaan tegi jiray marna halkan, xisbigii aan kaga mashquulay shaqaan ku jiraa ayaan hada u madax banaanaaday waxaan u tafo xaydan doonaa arimihii xisbiga kulmiye waayo mudo 15 sanadood ah ayaan la shaqaynaayay aniga iyo wasiiru dawlaha cusuba Axmed Cali Maxamuud”.

Wasiiru Dawlaha Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Axmed Cali Maxamuud, oo si niyad sami ah ugu farxay sida loogu soo dhaweeyay Wasaaradan loo magcaabay ayaa waxa uu yidhi:- “waxaan u mahadnaqayaa madaxwaynaha Somaliland oo ii cugtay inaan kamid noqdo gacan yarayaashiisa waxa kaloo aan u mahadnaqayaa wasiirudawlihii aan bedelay Axmed Nuur Faahiye oo si niyad wanaagsan leh iigu soo dhaweeyay xilkan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa wasiirka wasaarada duulista oo runtii marka aan xagaa joogayna aan xan wanaagsan ka hayay markii aan imina aan ka arkay.”

Wasiiru Dawlaha Cusub Axmed Cali Baynax oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan aaminsanahay inaan ku soo kordhin doono Madaarka kor u qaadida adeega umadeena iyo martida inoo imanaysaba umadu, waxay kula doorataa cid hogaamin doonta iyadoo codkoodu ku xidhan yahay hadba waxqabadka iyo barmaamijkooda, Inaan wixii aan ku biirin karo ee wax wada qabsiya  ah aan ku biiriyo wasiirkayga duulista hawada Farxaan Aadan Haybe”.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo munaasibadaasi soo gunaanaday, labada wasiirudawlena Xilka u kala wareejiyey ayaa yidhi “Ugu horay aad baan idiin ku mahadcelinayaa kasoo qaybgalkiina ka wasaarad ahaan anigoo ah odaygii wasaarada runtii sunaha dawladnimo ayay ka mid tahay waana qori isu dhiib in maalinba nin Awr dhaamiyo oo uu qalinka, caqliga iyo fikirkaba uu ku deeqo sidii uu dalkiisa wax ugu tari lahaa ujeedadu maaha meel  loo soo shaqo tagee, oo masaariif lacag iyo aduun yaalee waa in dalka xoogaaga cududaada iyo caqligaaga u hurtaa si ubadkiinu ugu aayaan waa waajib qarankeena qofkasta oo ka mida saraan taas uun bay qayb ka tahay sida Madaxwaynuhuba ugu deeqay cimrigiisii oo dhan, ee cimrigiisa intii ugu badnayd ugu soo qaatay ama halgan ama hogaamin taas uun bay ka mid tahay inay maanta isbedelaan labo Ahmed na.”

Wasiir Farxaan oo tilmaamaya qofnimadii iyo hogaamintii Axmed Nuur Faahiye, ayaa yidhi “wasiir u dawlahaygii hore Axmed Nuur Faahiye iyo wasiiru dawlahayga cusub Axmed Cali Baynax,  Axmed waan sagootiyayaa waxaan leeyahay Ilaahay wakhtigana hakuu kaalmeeyo maalmaha inta kuu hadhayna hakuu barakeeyo, wasiir udawlaha hore waxaan qirayaa inuu nin kaalin gala yahay hiraal leh hogaamin fiican leh dad isku hayn leh nin diin leh ah,  runtii qayb wayn bay ka ahayd markii aan wasaarada imi inaan si fudud  ula qabsado dhaqanka wasaarada  waayo ilaa aad la qabsato fahanto sida ay u taalo qayb walba sida ay u shaqayso fahanto halkii aad kaga xidhmi lahayd iyo wixii aad kusoo kordhin lahayd way adkaanaysaa waxaad noqonaysaa nin bad wayn ku dhex haftay, taa waxaan qirayaa runtii in Axmed  iyo agaasimaha guud iyo agaasima waaxeedyadu miisaan wayn ku dhex lahaayeen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply