Qisada: Erayada Macaan Waxa Ka Wanaagsan Ficilada Macaan!

0
463

Saacadu waa 12 duhurnimo, waxaana ku qornaa xafiiska Dhakhtarka inuu bulshada caafimaadka u socota la kulmi doono wakhtigaasi. Waxa ka mid ahaa dadkii sugayay oday  da’ ah oo ag fadhiyay inan uu dhalay oo uur lahayd, taasi oo aad u xanuunsanysay, ilmaduna ka da’aysay xanuunka dartiis. Inantiisu waa xaamilo uu ninkeedii mar hore dhintay oo agoon haysata aadna ugu baahan kaalmo.

Odayga saboolka ah ayaan garanayn wixii uu samayn lahaa iyadoo Islaantiisa oo indho la’ iyana ay agtiisa fadhido oo ay inanteed ka ag ooyayso, waxaynay odaygeeda ku tidhi ee miyaad ilowday in xarunta Dr. Khaalid lagu daweeyo dadka saboolka ah ee u taga isaga.. Odaygii isagoon dhinacna eegin ayuu u dhaqaaqay xaga xaruntaasi , albaabkii ayuu garaacay waxaana ka furay khaadimkii  isagoo weydiiyay waxa uu rabo. Odayga ayaa ku jawaabay gabadh aan dhalay ayaa geeri ku dhow waxaan rabaa dhakhatraka?!  Khaadimkii ayaa ku yidhi waa mashquul waxaana uu igu yidhi qofna ma qaabaliyo maanta. Odaygii ayaa ku celiyay laakiin inantaydii geeri ayay ku dhowdahay. Khaadimkii ayaa albaabkii xidhay isagoon u jawaabin. Odaygii ayaa iska noqday isagoo wadnuhu six un u garaacayo. Maxaan sameeyaa ayuu isku yidhi. Wadada ayuu sidii wax waalan gacmaha kolba dhinac u taagayay. Nin askari ayaa ku soo dhaqaaqay oo yidhi maxaad samaynaysaa oo kolba gaadhi gacmaha ugu taagaysaa? , Intii aanu jawaabin ayuu saldhiga geeyay oo xidhay.

Subaxnimadii ayuu soo daayay markii uu gurigiisa ku soo dhowaaday , wuxu maqlaayay buuq iyo oohin ka baxaysa , markii uu galay guriga wuxu ogaaday in inantiisii u dhimatay dhakhtar la’aan. Laakiin isla wakhtigaasi Dhakhtarku wuxuu ahaa mid u khudbadaynayay bukaano hor taagnaa isagoo ku lahaa “ Caafimaadku waa samafalka ugu wanaagsan ee ay haystaan dadka saboolka ahi kana saara dhibaatada”. Erayo macaan waa la odhan karaa, laakiin ficilo macaan waxa fuliya dad yar.

Sourece  Kitaabka Sanaabil Min Xuquul Adab.

 

Leave a Reply